Su'aal la geliyey xaalka Trump markii uu la kulmay mas'uul qaba Corona

Image

WASHINGTON, US – Mas'uul ka tirsan dowlada Brazil oo Sabtidii la kulmay madaxweynaha Mareykanka ayaa Khamiista maanta ah lagu dhawaaqay in laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Donald Trump iyo Fabio Wajngarten ayaa isku-gacan-qaadey kulan rasmi ah oo ka dhacay ismaamul goboleedka Florida.

Wajngarten, oo hubin dheeri ah loo diray, ayaa ah xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro.

Luiz Henrique Mandetta, wasiirka caafimaadka Brazil, ayaa daboolka ka qaadey in si lamid ah ay baari doonan xaalada madaxweynaha.

Dhanka kale, Trump oo ka falceliyey warkaan ayaa ku adkeystay in uusan wax walwal ah ka qabin xaaladda soo korodhay.

Warbaahinta Mareykanka oo su'aal gelisay badqabka Trump ayaa hoosta ka xariiqdey in cabsida cudurkaan ay aad ugu faaftey dalkaas.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay soo ifbaxdey in Trump uu diidey in laga baaro Coronavirus markii looga shakiyey in uu la kulmay ruux la nool cudurkaas.

Iyadoo Shiinaha uu yahay wadanka laga soo wariyey kiisaska iyo geerida ugu badan ee ka dhashay xanuunka, Coronavirus ayaa illaa iyo haatan  galaaftay nolosha in ka badan afar kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM