Trump oo sheegay in shidaalka Venezuela ku daboolay kharashaadka dagaalka Iran

Image

WASHINGTON — Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay shidaal badan ka heshay Venezuela, taasoo uu ku andacooday inay dabooltay kharashaadka dagaalka Iran.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay gobolka New York, isagoo yiri: “Sideen uga shaqeynay Venezuela? Si xun ma ahayn. Waxaan kasoo saarnay shidaal aad u badan Venezuela, waxaana ku bixinnay kharashaadka dagaalka Iran qiyaastii 25 jeer.” 

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin rasmi ah oo taageeraysa sheegashadiisa, balse hadalladiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo Pentagon-ku uu hore u sheegay in dagaalka Iran uu ku kacay Mareykanka ku dhowaad $29 bilyan illaa hadda.

Warar iyo qiyaaso madax-bannaan ayaa sidoo kale tilmaamay in Mareykanku uu lumiyay ama waxyeello kasoo gaartay ugu yaraan 42 diyaaradood oo militari ah intii uu socday dagaalka Iran, inkastoo aysan jirin xaqiijin rasmi ah oo faahfaahsan oo kasoo baxday Pentagon-ka oo ku saabsan khasaarahaasi.

Trump ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah ugu faanay kororka shidaalka laga soo saaray Venezuela iyo doorka shirkadaha Mareykanka ay ku leeyihiin howlaha shidaal ee dalkaasi Koonfurta Ameerika ku yaalla. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo la Geliyay Bandow iyo Ninkii Toogashada Geystay oo la Shaaciyay Aqoonsigiisa

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qof rayid ah uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta ka dhacday goobta u dhow madaxtooyada.

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 08:43AM

Iran oo Mareykanka ugu Hanjabtay "Aargoosi Aad u Adag" Haddii Trump uu Dib u Billaabo Dagaalka

Hanjabaaddan kulul ee ka timid dhanka Tehran ayaa timid ka dib markii uu Ghalibaf magaalada Tehran kula kulmay Taliyaha Ciidanka Pakistan.

  • Caalamka

    23-05-2026

  • 12:57PM