Xilliga uu Trump ogolaadey howlgalka "lagu dilay" Badqaadi oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Saxaafadda Mareykanka ayaa si xoogan u baahineysa in hogaamiyaha Daacish, Abuubabar Al-Baqaadi, lagu dilay howlgal qorsheysan.

Sidda uu baahiyey Newsweek, duulaanka ayaa ka dhacay Waqooy Barri ee dalka Suuriya gaar ahaan magaaladda caanka ah ee Idlib.

Warbixinta wargeyska ayaa intaas raacineysa in madaxweyne Donald Trump uu ogolaaday in la fuliyo howlgalka todobaad kahor maalinta la qaadey.

Macluumaadka ayaa tibaaxaya in horjoogeyaal kale oo kooxda argagixisada ah gacansaar la lahaa lagu naf-gooyay gulufka.

Illo wareedyo ku dhow Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa u sheegay Aqalka Cad "in ay kalsooni weyn ka qabaan in weerarka lagu beegsaday Al-Baqdaadi". Balse xaqiijinta dhabta ah ayaa dib laga baahin doonaa.

Trump ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo saxaafadda ama in uu soo saaro war-saxaafaded afarta galabnimo waqtiga Bariga Afrika.

Al-Baqdaadi oo horey madaxiisa loo dul-dhigay malaayiin Doollar ayaa lagu qeexay mid kamid ah raggii loogu doondoonista badnaa dunida.

Washington Post ayaa daabacay in hadii la xaqiijiyo dhimashada Al-Baqdaadi ay dharbaaxo ku noqon doonto howlgaladda kooxdan gabalkeeda Suuriya iyo Ciraaq uu sii dhacayo wallow ay isku baahineyso meelo kale.

Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayay xeel-dheereyaashu aaminsan yahay in ay kamid yihiin meelaha diiradda u saaran.

Abuubabar oo markii ugu dambeysay shaashadaha kasoo muuqday horaantii sanadkan ayaa wacad ku maray in ay xoojinayaan gulufka reer Galbeedka oo uu ku eedeeyay in ay karaar-siiyaan cadaawadda "Khilaafada Islaamka".

Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in uu dilay hogaamiyeyaal badan oo ay ku jiraan Osmada bin Laden [Al-Qaacida] iyo Axmed Godane [Al-Shabaab].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM