Guddoomiyihii baarlamaanka Puntland oo xilka laga xayuubiyey

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 49 ayaa "Haa" u coddeeyay oo ah in xilka laga qaado afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiim Dhooba Daareed.

Coddeynta ayaa waxay ka qabsoontay fadhigii Khamiista maanta ah kaasoo ay soo xaadireen Xildhibaano tiradoodu ay gaareyso 53, sidda ay shaacisay xogheynta baarlamaanka.

Sidda uu gudoonka ku dhawaaqay, waxaa coddeynta ka aamustay 4 sharcidejiyeyaal kuwaas oo kasoo qeybgalay fadhigii maanta.

Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ku xigeenka koowaad ee xeer-dejinta oo qabtay soo jeedinta, ayaa carabka ku adkeeyay in Mooshinka uu maray hanaanka saxda ah ee loogu talogalay.

Dhooba Daareed, oo la doortey 4-ta bishii Janaayo ee sanadkan 2019, ayaa horey wuxuu wacad ugu maray in uu u hogaan-sami doono go’aan walba oo baarlamaanka kasoo baxa.

Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ayaa amniga dhismaha baarlamaanka sugaya, markii ay habeenimadii Arbacada ka saareen maleyshiyaad uu geeyay Dhooba Daareed.

Sidda uu sheegay taliska booliska, xoogaga difaaca Puntland ayaa damacsanaa in ay indho-indheeyaan xaaladda balse ilaalada Dhooba Daareed waxay bilaabeen xabada oo sababtay dhimasho.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux – laba askari iyo ruux shacab ah – ayaa ku naf-waayey tacshiiradda "oo muddo kooban socotay".

Xaaladda magaala madaxda dowladda Puntland ayaa haatan ah mid xasiloon, waxaana ammaanka xarunta baarlamaanka oo Xildhibaanadda kusii qulqulayaan sugaya ciidamadda ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM