Odayaal ku nafwaayey qarax ka dhacay Boosaaso

Image
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Deni uu ku wajahan yahay xarunta gobolka Bari.

BOOSAASO, Puntland - Laba oday dhaqameed ayaa ku nafwaayey, ugu yaraan 10 kala oo u badan askar PSF garabka agaasinkii hore Asad Diyaano way ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay maqaaxi lagu qaliyo oo ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Marxuumiinta ayaa shalay waxay ka qeybgaleen kulan taageero loogu muujiyey Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta dowlada federaala Soomaaliya oo u ordaya Xildhibaanimo. Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta doonaya kuraasta baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa walaacsan daah furnaanta 16 kursi oo codayntoodu ka dhacayso xarunta ganacsiga Puntland.

Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya haddana ka mid ah musharaxiinta golaha shacabka ee kuraastoodu taalla mgaalada Boosaaso oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa walaac ka muujiyay qaabka doorashadaasi loo qabanayo iyo halka lagu qabanayo.

Jamaal oo sheegay in codayntu ka dhacayso garoonka diyaaradaha Boosaaso ay khilaafsan tahay habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashadda golaha shacabka.

Ciidanka ilaaliya amniga doorashada ayuu sheegay in ay ka baxsanyihiin ciidanka hooska taga guddiga amniga doorashooyinka isla markaana laga leeyahay dano siyaasadeed isaga oo ka digay in la iska horkeeno qabaa’ilka doorashaduna noqoto “mid boob iyo jabuub ah”.

Hadalka Jamaal ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni lagu wado in uu tago magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa sidoo kale laga sugayaa todobaadkan in ay soo saaraan jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2 aad ee dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM