Afhayeenka baarlamaanka Jubbaland oo dib loogu doortay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Xildhibaanadda labaad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah magaaladda Kismaayo ku doortay gudoomiye rasmi ah.

Xilkan oo ay u taagnaayeen laba mudane ayaa waxay kala ahaayeen Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xildhibaan Sheekh Xuseen Shiinow Cali.

Mudaneyaasha coddeynta ka qeybgashay oo tiradooda ay gaareysay 73 ayaa waxay badankooda ugu shubeen Sheekh Cabdi.

Guuleystaha oo ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda maamulkaasi afartii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxa uu helay codad gaaraya 55.

Ninka lagu garaacay coddeynta ee Xuseen Shiinow Cali ayaa waxaa dhankiisa uu helay kalsoonida Xildhibaano gaaraya 18.

Afhayeenka cusub oo madasha ka hadlay kahor inta aan la dhaarin ayaa waxa uu u mahad-celiyay xubnaha doortay, isaga oo balanqaadey hufnaan shaqo.

Sharcidejiyaha laga badiyay oo dhankiisa aqbalay natiijadda kasoo baxday cod-bixinta ayaa wacad ku maray in uu la shaqeyn doono gudoomiyaha cusub.

Doorashaddan oo ay xigi doonto labadda ku xigeen ayaa waxaa kasii dambeysay coddeynta madaxweynaha oo 22-ka bishan loo muddeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM