Al Shabaab oo laga qabsadey degmada Jalalaqsi

Image

Arbaco, Sept 3,2014 [ GO]- Ciidamada dowlada Federaalka ah oo kaashanaya Taangiyada AMISOM ayaa gudaha u galey bartamaha degmada Jalalaqsi maanta kadib markii kooxda Al Shabaab isaga baxeen ihalkaas dagaal la'aan.

Degamada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiraan ayaa ka dhigeysa magaaladii ugu dambeysay oo gacanta ururka Al Shabaab kaga harsaneyd gobolkaas marka laga reebo degaanada baadiyaha halkaasoo weeraro dhuumaleysi ah ka qadaan.

Jalalaqsi ayaa dagan galinkii dambe ee maanta iyadoo ururka Al Shabaab uusan ka hadlin magalada laga qabsadey.

Dhinaca kale ururka Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey ciidamo la socdey gawaari gargaar u sidey degmada Buulobarde.

Gawaaridaan oo mareysay degaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiraan ayaa wararku sheegayaan in iska-horimaadkaan ku dhinteen Sagaal qof.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo la hadley saxaafada ayaa sheegey in weerarkaan uu kaga dhintey hal askari halka kooxda Al-Shabaab ka dileen 5 ka tirsan dagaalyahanadooda.

Ma jiro ila madax baan oo sheegi kara khasaaraha ka dhashey weerarkaas.

Magaalada Buulobarde iyo degaano kale oo ciidamada dowlada ku sugan yihiin  ayaa waxaa ka tagnaa mudooyinkaan dambe  dhibaatooyin cunto yaraan ah kadib markii kooxda Al-shabaab go'doomiyeen.

Kooxaha Al-Shabaab ayaa marka ciidamada huwanta ah ka qabsadaan magaalooyinka waaweyn ku dhuumaaleysta degaanada baadiyaha kuwaasoo weeraro gaadmo ah ka fuliya.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM