CC Shakuur oo xasuusiyay Farmaajo xilligii uu mucaaradka ahaa

Image

NAIROBI, Kenya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ka hadlay go'aankii dowladda Kenya ay ku joojisay xaflad Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay doonayeen inay isaga kusoo dhaweeyaan.

Cabdiraxmaan ayaa marka hore ka raali geliyay dadkii soo qaban-qaabiyay Munasabadda baaqashadii ku yimid xafladda, isagoo dhanka kale ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo inay bartilmaameed ka dhigatay dadka ka aragtida duwan.

"Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Farmaajo shaqo ka dhigtay bartilmaameedsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xisbiga Wadajir," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa soo xasuujiyay shacabka in isaga iyo Farmaajo sanadkii 2016 ay olole Siyaasadeed iyo kulamo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ay ku qaban jireen magaalada Nairobi.

"Waxaa xasuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad kahor aan Nairobi ku qaban jirnay Olole Siyaasadeed iyo Kulamo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh," ayuu hadalkiisa raaciyay CC Shakuur.

Siyaasigan oo hore Wasiir iyo Musharax usoo noqday ayaa dhawaan dowladda ka qaadey xayiraad dhanka safarka ah ayaa la dhigay xasbiga bishii December 2017 kadib markii lagu eedeeyay inuu ka waday Muqdisho olole lagu ridayo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM