Coronavirus: Soomaaliya oo kiiskii sadexaad laga helay "qof ajnabi ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqay kiiskii saddexaad oo fayruska Corona ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in kiiska saddexaad la xaqiijiyey in uu soo ritay "qof ajanbi ah".

Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Telefishinka Qaranka ayay ka sheegtay in ruuxaan uu kamid yahay howlwadeenada xerada Xalane, wallow aysan fahfaahin ka bixin.

Shaqsigaas oo aysan kala caddeyn waaxda uu ka tirsan yahay ayay daboolka ka qaadey "in loosoo sheegay in uu soo maray wadamada uu saameeyay caabuqaas faafa".

Sidda laga soo xigtay wasiir Fowziya, bukaanka ayaa lagu karan-tiilayaa gudaha Xalane, oo ah fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta caalamka.

Shalay oo Khamiis ah ayay ahayd markii xukuumadda ay ku dhawaaqdey kiiskii labaad ee xanuunkaas. Sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya oo ka yimid dalka Talyaaniga ayuu soo ritay fayruska.

Bishaan Maaj 16-keeda ayay ahayd markii kiiskii koowaad laga helay muwaadin kasoo safray Shiinaha, oo ah dalka uu kasoo bilowday xanuunka.

Dhinaca kale, wasiir Fowziya oo u muuqatay mid ka jawaabeysa tuhun la geliyey kiiska labaad ayaa meesha ka saartey shakigaas, waxayna ku adkeysatay in ay hubiyaan shaacinta kiisaska cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM