DF oo hirgelineysa xarun lagu karan-tiilo dadka laga helo Coronovirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay qorsheyneysaa in ay hirgeliso xarun gaar ah oo lagu karan-tiilo dadka laga helo cudurka dilaaga ah ee loo yaqaano Caronavirus.

Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha waddanka, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu shaaciyey arrintaas.

Xarunta ayaa ah mid qofka la xaqiijiyo in uu qabo xanuunka lagu heyn doono maalmo kahor inta uusan dhex-gelin bulshadda.

Isagoo u waramay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Xaamud ayaa tibaaxay in ay ku dedaalayaan sidii ay uga fogaan lahaayeen "xaalad abuur iyo walaac ay geliyaan dadweynaha".

Talaabooyinka ku wajahan caabuqa oo ay qaadayaan ayuu ku qeexay "mid aan isugu diyaarineyno sidii looga hortagi lahaa iyo qaabka loo wajahayo hadii la helo, ilaahey inooma keenee". 

Wasaaradda Caafimaadka oo bilowday wacyi-gelino ku saabsan caabuqa ayaa saxaafadda maxaliga ah ka codsatay in aad u hubiyaan wararka la xiriira hadii kiis ku saabsan cudurka laga helo dalka.

Inkastoo illaa iyo haatan aanan lasoo warin wax kiis ah, wasaaradda ayaa "leysku raacay in ay noqoto isha kaliya ee laga soo xigto wararka Coronavirus, iyaddoo aad looga taxadiraayo shaacinta".

Ugu dambeyntii, wasiir Xaamud oo carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan bixin doonan ayaa bulshada ku booriyey in aysan "walaac" muujin.

Caronavirus, inkastoo la tilmaamay in wararka ku saabsan cudurka la buunbuuniyey, haddana waa mid si fudud ku faafa. Waddanka uu dadka ugu badan ku laayey waa Shiinaha, halka Iran ay labaad tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM