Digniin laga soo saarey ciidamo "la dul-dhigay" guriga Sheekh Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka digay ciidamo uu shaaciyey in la dul-dhigay hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu tibaaxay in uu ka dambeeyo talaabadaas, wallow uusan caddeymo soo bandhigin mudanaha laga soo doorto degaanadda maamulka Galmudug.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu falkaas ku tilmaamay "in uu yahay dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan".

"Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!" ayuu yiri Mahad.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe ay taagneyd "xiisad xoogan" oo arrintaas ka dhalatay.

Madaxweynihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa Muqdisho ka degan nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ciidamadu ku gaaf-wareegaan habeenkii.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Sheekh Shariif ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdooyinkaas oo lasoo wariyey labadii habeen ee lasoo dhaafay. Ciidamada waa kuwa loo yaqaan Haramcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM