Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiysadeed u jartay Guinea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Guinea markii maalmo kahor uu caasimadiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyay go'aanka, isagoo sheegay in Guinea ay ku xad-gudubtay madaxbanaanida iyo midnimada dalka, waxaana uu uga digay dalalka kale inay tallaabadaasi oo kale ku dhaqaaqaan.

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulankii maanta oo Khamiis ah yeesheen Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay Villa Soomaaliya, iyadoo tallaabadan la sugayay maalintii shalay, balse dib loo dhigay.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ku tilmaantay Somaliland "dal", waxaana wasiirka arrimaha dibadda wadankan Monica Juma ay difaacday go'aankaasi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa dhextaala xurguf dhanka xuduud dhul badeedka ah, taasi oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay go'aan ka gaareyso bisha Septermber ee sanadkan.

Wadamadan deriska ah ayaa waxaa isku haysta goob badkeeda lagu sheegay 100 kilometer, halkaasi oo la tilmaamay in ay hodan ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka sida shidaalka iyo Gaaska.

Talaabadan xiriirka loogu jaray Guinea ayaa noqonaya go'aankii labaad ee ugu cuslaa oo ay xukuumadda Muqdisho ka qaadato dhanka diblumaasiyada kadib eryidii wakiilkii Qaramada Midoobay.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM