Go'aano laga soo saarey doorashadda Soomaaliya ee 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa go'aano kasoo saartey doorashooyinka aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo ee la qorsheeyay in ay dhacaan sanadka 2020-2021.

War-saxaafadeed ayay ku shaaciyeen in muhiim ay tahay in coddeynta ay waqtigeeda ku dhacdo, iyagoo meesha ka saarey waqti ku darsi ay sameysato dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

"Doorashooyinka waa in ay noqdaan kuwa xor ah iyo xalaal ah kuna dhacaan si daahfurnaan leh," ayuu raaciyey qoraalka.

Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayay ku booriyeen in ay dhaqaale u qoondeeyaan doorashooyinka soo socda "taasoo hadda aanan muuqan qoondeynta dhaqaale ee 2020".

Sidoo kale, waxay dalbadeen in damaanad qaadaan xorriyadda dhaqdhaqaaqa, kulanka iyo abaabulka muwaadiniinta ee ku aadan doorashooyinka 2020-21. Si lamid ah in doorashadu noqoto mid mideysan.

"Saamileyda siyaasadeed oo ay kamid yihiin dowladda federaalka, dowlad goboleedyadda, xisbiyadda siyaasadee iyo bulshadda rayidka waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan in la abuuro xaalad deegaaneed oo lagu hirgelin karo doorasho sax ah," ayay madashu tiri.

Intaas waxaa wehlisa in ay soo jeediyeen in saamileyda heshiis mideysan ka gaaraan arrimaha; qeybinta kuraasta baarlamaanka heer degmo, hanaanka doorasho iyo maamulka doorashooyinka.

Guddi caalami ah oo korjoogteeya hanaanka doorashooyinka ayay ka codsadeen in ay sameeyaan Qaramada Midoobay iyo hay'addaha madaxa banaan ee diirada saara arrimaha doorashooyinka dunida.

Ciidamo boolis ah oo laga kala keenay dowlada iyo maamulada dalka ayay ku taliyeen in la aas-aaso si ay u sugaan amniga coddeynta iyo sanaaqiida coddeynta, iyagoo garab ka helaya howlgalka AMISOM.

Dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayay dalbadeen, iyaddoo ay xubin ka noqonayaa shaqsiyaad sumcad iyo qadarin ku dhex leh bulshadda Soomaaliyeed lagana talageliyo saamileyda.

Saamileyda siyaasadeed ee wadajirka ah ayay si furan soo jeediyeen in ay hubiyaan in doorashooyinka aysan ku milmin ama qeyb ka noqon ururada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Gabagabadii, waxay cod dheer ugu baaqeen in la hubiyo qoondada haweenka iyo in hantida qaranka aan loo isticmaalin doorashooyinka, talaabadaas oo u muuqata mid ay uga digayaan laaluush iyo musuqmaasuq.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM