Imaaraadka oo joojiyey taageeradii uu siin jirey ciidamada dowlada Soomaaliya

Image

ABU DHABI- Warsaxafadeed ku-soo baxay Wakaalada Wararka dalka Isu-taga Imiraadka Carabta ( WAM) ayaa lagu sheegey iney dowladaas joojisay gabi ahaanba tababarkii ciidamada dowlada Federalka Soomaaliya kasoo soo bilowdey 2014 ujeedkiisuna ahaa sidii loo kordhin lahaa tayada ciidamadaas.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in go’aankaan uu yimid kadib markii ciidamada amniga qabsadeen diyaarad shacab oo ay saarneyd lacag loogu talagaley in lagu bixiyo mushaharka ciidmadaan.

“ Dalka Imaraaadka iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir tariikhi ah oo ku dhisan is-ixtiraam iyadoo ciidamada amniga ee UAE ay tababaro u fidinayeen kumanaan Soomaali ah si kor loogu qaado awoodooda. Intaas waxa dheer dowlada Imaaraadka waxay bixineysay mushaharka 2407 askari waxayna u dhiseen Sadex xarumood oo lagu tababaro, waxayna Somalia u dirtey kooxo dhakhaatiir ah oo daaweeya dadka xanuunsan.” ayaa lagu sheegey warsaxafadeedkaan. 

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegey in dowlada Imaradaka ay sii wadi doonto tagerada ay u fudiso ciidamada Badda Puntland si kor loogu qaado awooda ciidamadaas u leeyihiin la dagaalanka kooxaha xag jirada ah taasoo ay kala shaqeyneyso beesha caalamka kuwooda tageera dalka Soomaaliya iyo xogaga midowga Afrika ee ku sugan dalkaas dagaaladu aafeeyeen.

Ugu dambeyn warsaxafadeedkaan ayaa lagu soo gabagabeeyey in dalka Imaaraadka uu cambaareynayo falkii xadgudbka ku ahaa xiriirka soo jireenka ee u dhexeeyey labada dal iyo xeerarka caalamiga ah kasoo ay ciidamada amniga Somaaliya kula kaceen diplomasiyiinta iyo sarakiisa dalka Isu-taga Imaraadka Carabta.

GARoWE ONlINE 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM