In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Sida lagu sheegay xog uruurinta Displacement Tracking Matrix (DTM) ee u dhaxeysa Janaayo ilaa Agoosto 2025, in ka badan 5,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay Yurub u tahriibeen iyagoo adeegsanaya waddooyin dhul iyo badeed.

Falanqaynta xogta ayaa muujineysa in tani ay saddex jeer ka badan tahay tiradii la diiwaan geliyay muddadii isku midka ahayd ee 2024, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Socdaalka (IOM). Dad badan oo Soomaali ah ayaa dibadda u safraya iyagoo raadinaya fursado nololeed oo wanaagsan, iyada oo dhaqaalaha dalka uu hoos u dhac ku yimid.

Warbixinta ayaa sheegaysa in tahriibiyeyaasha Soomaaliyeed lagu arkay dhammaan waddooyinka waaweyn ee Yurub, halka intooda badan ay ku yimaadeen Talyaaniga iyagoo maray Badda Dhexe (Central Mediterranean), taas oo ah waddo caan ku ah tahriibayaasha Afrikaan ah ee Yurub ku soo galaya.

Isbaanishka, tiro wanaagsan ayaa adeegsatay Badda Dhexe ee Galbeedka, halka kuwo kale oo galay Greece iyo Cyprus ay isticmaaleen Badda Dhexe ee Bariga. Koox yar ayaa gaartay Jasiiradaha Canary ee Isbaanishka iyagoo ka soo tallaabay waddada Atlantic-ka ee Galbeedka Afrika.

Xogtan ayaa muujineysa in Soomaalidu ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba (4%) dadka soo gaaray Yurub sanadka 2025. Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

Xogta intooda badan waxaa laga qaaday Isbaanishka iyo Talyaaniga, halka Greece aysan weli tirakoobka ka sameyn tirada Soomaalida soo gaartay. Sidaa darteed, tirada dadka isticmaalay Badda Dhexe ee Bariga lama soo darin warbixinta.

Khabiirada socdaalka ayaa sheegaya in kororka tahriibka Soomaalida uu sabab u yahay isku-darka amni xumo, shaqo la’aan, iyo fursado dhaqaale oo kooban gudaha dalka. Soomaaliya waxay ku jirtaa habka dhismaha dawladnimo, muddadan oo dhan caqabadaha dhaqaale ayaa aad u sarreeyey.

Qoysas badan, ayay ku dareen khabiiradu, waxay u arkaan Yurub meel nabad iyo fursado wanaagsan laga helo, inkastoo safarrada baddu halis badan yihiin oo badanaaba dad ku lumiyaan. Siyaasiyiinta mucaaradku waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud inuu ku guuldareystay hanuuninta dalka dib ugu soo celinta horumar dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kala qaybsanaan Siyaasadeed oo sii Kordhaysa Kahor Doorashooyinka 2026 ee Soomaaliya

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku dhowdahay in ay ka soo baxdo dowlad u dhow tahay mid laba waji leh.

  • Soomaliya

    01-11-2025

  • 07:53AM

Sweden oo lacag ku siisay Dowladda Soomaaliya si ay u aqbasho muwaadiniin lasoo masaafurinayo

Warbixinta DN ayaa intaas ku dartay in lacagtaasi ay maalgelisay saddex xil dowladeed oo ku jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    30-10-2025

  • 06:59AM