Khayre oo laga yaabo in uu gedaal kaga biiro shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa laga yaabaa in uu qeybaha dambe kaga biiro shirka lagu waddo in ay madaxda maamulada ku yeeshaan caasimadda Galmudug.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale casuumay afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, Cabdi Xaashi.

Xogta uu mareegga GO helayo ayaa waxay intaas ku dareysaa in madaxweyneyaasha maamuladda dalka aysan martiqaad u fidin gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Senate-ka oo tirro ahaan ka kooban 54 xubnood ama Senators ayaa dastuuriyan wuxuu metelaa danaha dowlad goboleedyadda waddanka.

Madaxda maamuladda, Khayre iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska akdhow marka ay timaado mar-xalada kala guurka iyo qabsoomida doorashadda.

Mursal, ku xigeenadiisa iyo Villa Soomaaliya ayaa isku aragti ka ah coddeynta qorshuhu ahaa in ay waddanka dhacdo sanadka 2020-21.

Illaa iyo haatan, lama soo bandhigin ajendaha shir-madaxeedka maamulada ee loo muddeeyay in Khamiista soo aadan oo ku beegan 9-ka July uu ka qabsoomo magaala madaxda Dhuusamareeb oo amnigeeda la adkeynayo.

Shirkaan oo kasoo baxay kulan khadka Internet-ka ah oo habeenimadii Axada ee asbuucaan ay yeeshaan madaxda maamulada ayaa yimid markii uu fashilmay Shirkii Amniga Qaranka ee ka dhici lahaa Muqdisho.

Dhanka kale, madasha xisbiyadda Qaran oo soo dhaweysay kulanka Dhuusamareeb ayaa baaqashadda Shirka Amniga Qaranka ku sifeeyay "mid muujineysa fashilka xoogga leh ee hogaanka dowladda federaalka".

BAYAANKA MADASHA

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM