Kheyre oo magacaabey Gudi Aqalka Sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka maamullada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabey Gudi heer wasiirro ah, oo Aqalka Sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka dowlad-goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, oo ku taariikheysan 22-ka bishan, oo maanta la shaaciyay ayaa lagu shaaciyay magacaabida gudiga oo ka kooban 4 wasiir oo kala ah;

Wasiirka arrimaha Gudaha [Gudoomiye],

Wasiirka Dastuurka [Xubin]

Wasiirka Maaliyadda [Xubin]

Wasiirka amniga [Xubin].

Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa ku sheegay war-saxaafadeedka in Gudigan iyo Aqalka Sare ay ka shaqeyn doonaan xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya maamullada xubnaha ka ah.

Magacaabista ayaa timid kadib markii Gudoonka Aqalka Sare uu ku eedeeyay Villa Somalia inay ka caga jiideyso inay ka jawaabto tabashooyinka maamul goboleedyada ee ay u gudbiyeen.

Lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan madaxda maamullada ee shirka uga socda magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwsoo bishii lasoo dhaafay xiriirkii wadashaqeyneed u jaray dowladda Federaalka, oo ay ku eedeeyeen faragelin joogto ah inay ku haysoo arrimaha maamulladooda.

Talaabada uu qaadey Kheyre oo u muuqata mid ay uga fogaaneyso inay mar kale dowlad goboleedyadda ku eedeeyaan in aysan diyaar u ahayn wadahadal ayaanan la ogayn inay xal kama dambeys ah u noqon karto khilaafka dalka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM