Fahad Yaasiin iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo si qarsoodi ah u kulmay
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyo madaxweynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan saxaafada laga qariyey ku yeeshay Muqdisho.
Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo, halka Xasan uu kamid yahay aas-aasayaasha Madasha Xisbiyada Qaran oo lix xisbi ay ku midoobeen.
Ma jiro war rasmi ah oo dhinacyada ay kasoo saareen kulankan aan saxaafada loo ogoleyn. Balse, illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in uu ku saabsanaa magacaabida ra'iisul wasaaraha cusub.
Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee NISA ahna xubin ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee Midowga Nabada iyo Horumarka, ayaa xusay in shirkaan uua ahaa mid shaqsi ah.
Sanbaloolshe oo u waramay idaacada KNN ayaa si uusan hubin meesha uga saarey in kulanka looga hadlay arrinta magacaabida ra'iisul wasaaraha cusub, walow uu xusay in fahfaahinta dib laga baahinayo.
Isagoo hadalkiisa sii wata, siyaasigan ayaa tibaaxay in Xasan Sheekh uu diidey in uu Fahad Yaasiin kala hadlo arrimo siyaasadeed isla markaana kula taliyey in uu diirada saaro la dagaalanka Al-Shabaab iyo amniga.
Wariyihii hore ee telefishinka Al Jazeera Carabiya, Fahad, ayaa wada la-tashiyo la xiriira qofka noqonaya bedelaya Xasan Cali Khayre oo Golaha Shacabka kalsoonida uu kala noqdey 25-ka bishii Julaayo, 2020-ka.
Kulanka Fahad iyo Xasan ayaa imaanaya iyaddoo uu dhamaad ku dhow-yahay mudada dastuurka xeerinayo in lagu soo magacaabo madaxa xukuumadda oo ah 30-casho ayna ka hartay wax ka yar 24-saac.
Warar xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Farmaajo xusul-duub ugu jiro in jagadaas uu u dhiibo qof diblumaasi ah ama in uu ku dhiso dowlad midnimo ah, taasoo la macno ah in mucaaradka yeesho xilkaas.
Hadii ay tani dhacdo waxay dhabaha u xaari kartaa muddo kororsi, wallow ay isa soo tarayaan digniinaha ku aadan in doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ugu dhacaan hanaan heshiis laga wada-yahay.
Qaar kamid ah maamulada dalka ayaa riditaankii Khayre ku macneeyay in looga dan-lahaa burburinta heshiisyaddii Dhuusamareeb 1 iyo 2 isla markaana lagu carqaladeeyo qasboomida 3, taasoo dhacdey.
DhuusamareebIII ayaa ahaa mid aanan loo dhameyn, waxaana ka maqnaa Puntland iyo Jubaland oo cuskaday in aysan ka jirin xukuumad fulineysa heshiis walba oo la gaaro, iyagoo codsaday in lasoo magacaabo.
Qaar kamid ah mucaaradka Soomaaliya iyo maamulada ayaa la fahansan yahay in uu damac ugu jiro xilka ra'iisul wasaaraha, arrintaas oo looga digay cawaaqibka ka dhalan karta oo ah dalku galo jahwareer.
Ra'iisul wasaaraha lasoo magacaabayo waxaa hortaala wado qodxa badan leh, taasoo la macno ah in looga baahan yahay in uu wadanka u horseedo doorashooyin xilligooda ku dhaca heshiisna lagu wada yahay.
GAROWE ONLINE