Kulankii Gollaha Shacabka Soomaaliya oo 'Fowdo' u qabsoomi waayay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii la filayay in maanta Xildhibaanada iska soo horjeeda ee Gollaha Shacabka ku yeelan lahaayeen xarunta Baarlamaanka ayaa u baaqday fowdo iyo qalalaase dhacay.

Gudoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa saakay wada tagey Xarunta Gollaha Shacabka, balse labada dhinacba midna kuma guuleysan inuu qabsado Kulankiisa kadib markii la isku mari waayey cida kulanka shir gudoomineysa.

Lababa garab oo kala watey saakay laba Ajande, oo kala ah Mooshinka kalsooni kala noqoshada Jawaari iyo arinta dhisamaha derbiga Kenya ee Balad-Xaawo ayaa la tagey xarunta Ciidamo kala duwan, oo qaarkood Xildhibaano wateen.

Xildhibaanada Garabka Jawaari ayaa subixii hore u suurta galay inay galaan gudaha xarunta Gollaha Shacabka, iyadoo Taliye-yaasha Ciidamada sheegeen inay la jebiyay xeerka amniga, oo lala galay Ciidamo iyaga aan ka amar-qaadan.

Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa isna xilli dambe soo gaarey xarunta, iyadoo ay ilaalinayaan Boolis iyo Ciidamo kale oo kuwa dowladda katirsan, xilligaasi oo gudaha dhisamaha ay buuq ka sameynayaan taageeriyaasha Jawaari.

Qaar kamid ah Xildhibaanada mooshinka keenay, oo Saxaafadda dibadda xarunta Gollaha Shacabka kula hadlay ayaa ku eedeeyay Jawaari inuu mas'uul ka yahay wixii saaka dhacay iyo baaqashada kulankooda.

Muudey iyo Jawaari ayaa dib uga soo laabtey Xarunta Gollaha Shacabka kaidb markii midba u qabsoomi waayay kulankii uu watey, waxayna ku noqdeen Villa Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada ay kala aadeen Hoteeladii ay kala deganaayeen.

Labada garab ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu sharciga jebinayo, waxaana is-mariwaaga taagan uu noqonayaa mid sii daba dheeraanaya, oo saameyn xooggan ku yeeshay Hay'adihii dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM