Labada aqal ee Barlamanka Federaalka oo fadhi wadajir ah wadaqaadanaya

Image

MUQDISHO, Somalia- Waxaa maanta kulan wadajir ah xarunta Golaha shacabka Federaalka Somalia fadhi wadajir ah ku qaadanaya Labada aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia. 

Kulankaan oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee labada aqal yeeshaan ayaa wararka laga helayo sheegayaan in kawada hadlayaan waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Somalia.

Kalfadhigaan ayaa la filayaa in lagu magacaabo guddiga doorashada madaxweynaha Somalia taas oo la filayo in la qabto bilowga Bisha Febraayo sanadka 2017.

Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa dhowaan doortey Gudoomiye iyo labo ku xigeen kuwasoo ka filayo in maanta la wareegaan xilkooda maanta.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Muqdisho: Hub-ka-dhigis Lala Beegsaday Saraakiil Hore oo Lala Xiriirinayo Mucaaradka

Taliyaha Ciidanka Soomaaliya, Jen. Odowa Yusuf Rageh, ayaa dhawaan sheegay in dhammaan gaadiidka ciidamada oo aan fasax rasmi ah lahayn.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 01:12PM

Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 11:05AM