Maamulada Soomaaliya oo Ku Midoobey Musharax u Taagan Xilka Afhayeenka BF
MUQDISHO- Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya arrimaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Xilli Olole ballaaran uu ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, Villa Hargaysa iyo Hoteellada Magalaada.
Waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo xaasaasi ah, balanqaadyo siyaasadeed, iyo kudlado wadahadal xoogani u bilowday, inkastoo natiijada kulamadaasi ay soo shaac bixi doonaan maanta illaa caawa.
Hadal haynta Musharaxiinta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Ololaha ayaa had-ba waxay taagnayd heer laga qiyaas qaadan karo nooca natiijada doorashada maalinta Isniinta ah ka dhacaysa Hoolka Baarlamaanka Soomaaliya.
11kii Musharax ee u taagnaa xilka Guddoonka, illaa hadda ma jiro musharax ka tanaasulay xilkaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maanta ay u badan tahay in ay Musharixiin tanaasulaan.
Saadaasha musharaxiinta ugu miisaan culus ayaa xalay illaa shalay kusoo biyo shubatay illaa 3 Murashax oo kale ah.
1) Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Musharaxaan ayaa lagu tilmaamaa in uu ka madax banaan yahay dhinacyada siyaasadda isku haya, waa musharax haddii uu soo baxo aysan Villa Soomaaliya u arag khatar weyn, inkastoo Mucaaradku ay la qaadanayeen kulamo kale duwan maalmahaan.
2) Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa ah Musharax ayaa xilligaan Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Golaha Shacabka Muudey iyo Mahad Cawad oo hadda ku midaysan yihiin halka Shariif Xassan Shiikh Aadan madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo wata Ibraahim Yaroow maalmahaan lagu qancinayey in Wasiirkii Gashaandhiga hore la tageero qolyaha villa Somalia.
3) Musharaxa 3aad oo soo xoogaystay xalay illaa shalay ayaa ah Ibraahim Isaaq Yaroow. Musharaxaan ayaa taageero siyasadeed ka helaya Maamul Goboleedyada Dalka oo ay ugu horreeyaan Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed kuwasoo shaki ka qaba in awooda golaha fulinta sii kororto.
Murashax Ibraahim ayaa dhawaan iska casilay xilka W/kuxigeenka Boostada Iyo Isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya. Waana shaqsiga ay hadda welwelka weyn ka qabto Villa Soomaaliya.
Xiriirka maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaan wanaagsaneyn tan iyo intii khilaaf ba'an soo kala dhexgaley wadamada Khaliij kuwasoo xiriiro kala duwan la leh dhinacyada siyaasada Soomaaliya.
Guddoomiyaha Barlamanka hore ayaa xilka iska casiley kadib markii khilaaf ba'an soo kala dhexgaley isaga iyo golaha ulinta uu hurmuudka yahay Ra'isal wasaare Khayre.
GAROWE ONLINE