Madaxa Sirdoonka Sudan oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho booqasho qarsoodi ah ku yimid Taliyaha Sirdoonka dalka Sudan, Saalax Cabdalla Maxamed [Salah Gosh].

Wafdiga Sudan ayaa waxay Xarunta Xisbiga kula kulmeen Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha NISA, Xuseen Maxamed Xuseen, waxayna sidoo kale booqdeen Hamar-Khadiija, oo ah xarunta hay'adda Nabad Sugida.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay muuqaallo kasoo duubaan wafdiga madaxa Sirdoonka Sudan, kasoo kulama kula leh magaalada Muqdisho mas'uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Illo katirsan hay'adaha amniga Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ujeedka socdaalka wafdiga Sudan uu yahay inay qiimeyn ku sameeyaan hab-dhismeedka NISA, howsheeda iyo tayada Ciidamadeeda.

Sudan ayaa fulinaysa mashruuc ay wadato Qadar oo lagu tababarayo Askarta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya, oo dhawaan Taliye ku xigeen loogu magacaabey, Fahad Yaasiin, oo xiriir dhaw la leh Xukuumadda Doha.

Booqashada madaxa Sirdoonka Sudan, oo kusoo beegmaysa xilli Fahad Yaasiin dhawan laga soo wareejiyay Villa Somalia, loona magaacaby ku xigeenka taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Hawlgal Ka Fuliyay Jubaland

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqday in hawlgalladu ay weli socdaan si loo baadi-goobo firxadka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    15-04-2026

  • 12:31PM