​Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor Salman [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

JEDDAH, Saudi Arabia - Madaxweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Kulan heer sare ah la qaatey Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salman Bin Cabdul-Casiis.

War kooban oo maanta lagu daabacay Bogga Twitter-ka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka, iyo arrimo kale oo aan la shaacin.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Salman soo dhaweynta diiran ee uu sameeyay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay Iskaashi dhinacyada Maalgashiga iyo Amniga oo dhexmara Somalia iyo Sacuudiga.

Booqashada Mudane Farmaajo ee Sacuudiga oo Warsidaha Garowe Online soo qoray 10 Maalmood kahor, ayaa la xiriirto Safaradiisa hore ee uu ku tagey dalkaasi February, iyo May.

Boqorka Sacuudiga ayaa bishii February, xili uu Madaxweyne Farmaajo kula kulmay Riyadh sheegay in Sacuudiga uu siinayo Somaaliya taageero dhaqaale, iyo inuu u dhisayo Garoomo caalami ah iyo wadooyin.

Booqashadan Farmaajo ee Jeddah waxay kusoo aadaysaa xilli dowlad goboleedyada dalka qaarkood ay la safteen Sacuudiga iyo Xulufadiisa, iyadoo Xukuumadda Federaalka ay wali ku adkaysanayso go'aankeedii dhex-dhexaadnimo ee ku aadan Khilaafka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM