Maxaa diiradda lagu saarey kulankii Farmaajo iyo madaxda maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Khadka Internerka madaxda Dowlad Goboleedyadda markii Villa Soomaaliya cadaadis ku aadan xalinta khilaafka siyaasadeedka waddanka ka jira ay kala kulantay Mareykanka.

Shirkii Maanta oo madaxda ay ku yeesheen aaladda Whatsapp’-ka, ayaa wuxuu gogol-xaar u yahay kulan kale oo fool-ka-fool ah, kaasoo goobta lagu qabanayo iyo waqtiga uu shaacin doono Madaxweyne Farmaajo.

Xog hoose oo  Garowe Online helay ayaa sheegay in kulankii maanta ay qeybgaleen Ra’iisalWasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyeyaasha Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Maamullada ayaa dalbadey in la joojiyo sharciyada horyaalla baarlamaanka inta ay xal laga gaarayo, oo kulamo ka yeelanayaan madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo muddo dhowr sano ah is-khilaafsan.

Arrinta ugu weyn ee hadda tagaan ayaa ah go’aan ka gaarista doorashada dalka ka dhici doonta iyo nooca ay noqon doonto, iyadoo saamileyda siyaasadda iyo saaxiibadda caalamka ay ka digayaan dib u dhac iyo muddo korarsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dalbaday inuu hakiyo doodaha Baarlamaanka ee afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka Qaran, ilaa madaxda ay ka kulmayaan.

June 9, 2020, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa xukuumada ugu baaqdey in ay kulan isagu yeerto Madaxweyneyeyaasha Dowlad Goboleedyada, si xal looga gaaro kala qeybsanaanta siyaasadeed, loogana gudbo caqabadaha hor-taagan coddeynta 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM