Mid kamid ah hishiiskii Somalia iyo Kenya oo la dhaqan-galiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mid kamid ah hishiiisyadii ay kala saxiixdeen dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Xaflad ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu, ayaa Khayre ku daah-furay in duulimaadka Caasumadda Somalia iyo Nairobi ay noqdaan mid toos ah.

Waxaa meesha laga saaray safarkii lagusii mari jiray Garoonka diyaaraha magaalada Wajeer oo ay dhibaato badan kala kulmi jireen shacabka Somaliyeed.

Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo fura xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007, sababo dhinaca ammaanka ah iyo Weerarada Kooxda Al shabaab.

Muddo Hal bil gudaheedah ah oo laga soo billaabo 24-ka Maarso, ayay isku afgarteen Farmaajo iyo Uhuru inay dib u furaan marinada xadka labada dal ee Beled-xaawo, Mandheera, Libooy iyo Doobley.

Kulankii Farmaajo iyo Uhuru wuxuu furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, iyadoo Kenya ay u muujisay dowladda cusub ee Soomaaliya dabacsanaan, wada-shaqeyn iyo saaxibtinimo joogto ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM