Musharaxiin isku diiwaan-geliyay xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga KMG ee doorashada, ayaa maanta billaabey diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka  gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shan Musharax oo uu kamid yahay Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Saalim Caliyow Ibroow ayaa wajiga kowaad ee is-diiwaan-gelinta la guddoonsiiyey Shahaadooyinka Mushraxnimada.

Magacyada Musharaxiinta:

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Gudiga ayaa hordhigay Wasiiro doonaya inay u tartamaan Xilka gudoomiyaha Gollaha shacabka shuruud adag oo ah in marka hore iska casilaan xilalka wasiir-nimo, islamarkaana maalinta diiwaangelinta keenaan warqada cadeynaysa Iscasilaadooda.

Illaa hadda waxaa si rasmi ah isku casilay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Ganacsiga, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibraahim Isaaq Yarrow.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal ayaa kamid ah Wasiiradda laga dalbaday inay is-casilaan, waxaana la ogeyn sababta Saalim Caliyow Ibrow loo diiwaangeliyay isagoo aan ku dhawaaqin inuu xilka wasiir-nimo iska-casilay.

Dood ayaa ka dhalatay is-casilaadda Wasiirada Musharaxiinta ah, iyadoo Wasiirka arrimaha Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil uu sheegay in Dastuurka uu u ogolaanaya Wasiir inu u tartamo xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoo aan is-casilin.

Maalin berri ah ayay ku egtahay diiwaangelinta Musharaxiinta, iyadoo 30-ka bishan la dooran doono gudoomiye cusub oo bedeli doono Maxamed Cismaan Jawaari oo is-casilay 9-kii April, kadib mooshin laga keenay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM