Musharaxiinta oo qaadacay habraaca doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay qaadaceen habraacii ka soo baxay hogaanka Golaha Wadatashiga Qaran oo laba casho ku shiray Muqdisho.

Sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen, habraaca wuxuu "khilaafsan yahay dastuurka iyo heshiiska 27-dii Maajo oo dhigayey oo doorashooyinku u dhacaan si cadaalad ah xor iyo xalaal ah".

Dhaqankii "boobka doorashada" ay sheegeen in ay ka diideen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayay xuseen in aysan ka ogolaan doonin golaha wadatashiga qaranka ee habraaca faafiyey.

"Goluhu wuxuu u arkaa habraaca in dusha sare uu ka wato doorasho balse gudahiisu uu yahay magacaabis," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka musharaxiinta oo ay kasoo baxay shir ay yeesheen.

Colaad sokeeye, luminta kalsoonida shacabka iyo beesha caalamka, burburinta aqoonsiga dowladnimada iyo kooxaha xagjirka ah ka macaashaan ayay ku qeexeen cawaaqib-xumada ka dhalan karta boobka doorashooyinka.

Todoba qodob ayay soo jeediyeen oo ay kamid tahay in beelaha loo daayo xulista mudaneyaasha, baabi'inta caqabadaha lagu hor-gobay doorashooyinka sida dambi-baarista iyo muddeynta waqtiga coddeynta.

"Ugu dambeyn, goluhu wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay kaalintooda ka qaataan sidii doorashadu u noqon lahayd mid xor ah oo sharciyad haysata," ayaa qoraalka lagu soo afjaray.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM