RW Khayre oo hoos u dhigay awoodda Wasiiradiisa [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa soo saarey wareegto cusub, oo uu wasiiradiisa uga mamnuucay inay xilka qaadis ku sameeyaan Xoghaye-yaasha joogtada ah iyo Agaasiimiyaasha Guud ee Wasaaradaha.

Go'aankan oo la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu cadeeyay in wasiirada uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado Agaasiime ama Xoghaye isagoo aan kusoo wargelin ama laga yashan Ra'iisul Wasaaraha.

Tallaaban ayaa soo afjarayso xilka qaadis joogto ah oo Wasiiradda ku sameyn jireen Xoghaye-yaasha iyo Agaasiimiyaasha markii ay is qabtaan, iyadoo ay ugu dambeysay xilka qaadistii uu Wasiirka Ganacsiga Cabdi Xayir Maareeye ku sameeyay Agaasiimihiisa.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA KHAYRE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM