Senatoro "laga reebay" diyaarad kusii jeeday magaaladda Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah shaaciyey in laga reebay diyaarad ku socotay Kismaayo kana dhoofi lahayd Muqdisho.

Senataradda oo kala ah; Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag] iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa ka qeybgeli lahaa Aaska Wasiirkii Waxbarashadda Jubaland oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Hindiya.

Diyaaradda ay raaci lahaayeen labada Xildhibaan ayaa meydka marxuumka kasoo qaadey New Dehli, iyaddoo soo martay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

"Garoonka markii aan tagnay oo aan raacnay diyaaradda, waxaa dhacday in sarkaal nabad-sugida ka tirsan uu amro in la damiyo diyaaradda kana soo baxaan dadkii saarnaa," ayuu Fartaag u sheegay warbaahinta.

Wuxuu raaciyey: "Sarkaalka wuxuu ku adkeystay in diyaaradda aysan duuli karin haddii aan laga reebin annaga [labadda Senator]".

Isagoo hadalkiisa sii wata, sharci-dejiyaha ayaa xusay in amarkaas lagu xanibay socdaalkooda "uu ka yimid hogaanka Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Wasaarada Duulista Hawada".

"Aad bey nasiib darro u tahay in dowladdu ku mashquusho siyaasiyiin mucaarad ah oo u socday Aas Qaran," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Illaa iyo haatan, dhinacyadda uu eedeeyay Xildhibaanka jawaab rasmi ah kama bixin, mana ka faa'iideysan fursad loo siiyey in ay ka hadlaan.

Xukuumadda Federaalka ayaa is hortaag noocaan ah dhowr jeer ugu sameysay siyaasiyiin mucaarad ah. Xisbiyadda dalka qaarkood waxay ku dhaliileen dowladda "in ay hub ahaan u adeegsaneyso maamulka hawadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM