Senatoro "laga reebay" diyaarad kusii jeeday magaaladda Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah shaaciyey in laga reebay diyaarad ku socotay Kismaayo kana dhoofi lahayd Muqdisho.

Senataradda oo kala ah; Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag] iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa ka qeybgeli lahaa Aaska Wasiirkii Waxbarashadda Jubaland oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Hindiya.

Diyaaradda ay raaci lahaayeen labada Xildhibaan ayaa meydka marxuumka kasoo qaadey New Dehli, iyaddoo soo martay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

"Garoonka markii aan tagnay oo aan raacnay diyaaradda, waxaa dhacday in sarkaal nabad-sugida ka tirsan uu amro in la damiyo diyaaradda kana soo baxaan dadkii saarnaa," ayuu Fartaag u sheegay warbaahinta.

Wuxuu raaciyey: "Sarkaalka wuxuu ku adkeystay in diyaaradda aysan duuli karin haddii aan laga reebin annaga [labadda Senator]".

Isagoo hadalkiisa sii wata, sharci-dejiyaha ayaa xusay in amarkaas lagu xanibay socdaalkooda "uu ka yimid hogaanka Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Wasaarada Duulista Hawada".

"Aad bey nasiib darro u tahay in dowladdu ku mashquusho siyaasiyiin mucaarad ah oo u socday Aas Qaran," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Illaa iyo haatan, dhinacyadda uu eedeeyay Xildhibaanka jawaab rasmi ah kama bixin, mana ka faa'iideysan fursad loo siiyey in ay ka hadlaan.

Xukuumadda Federaalka ayaa is hortaag noocaan ah dhowr jeer ugu sameysay siyaasiyiin mucaarad ah. Xisbiyadda dalka qaarkood waxay ku dhaliileen dowladda "in ay hub ahaan u adeegsaneyso maamulka hawadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM