Shirka Dhuusamareeb 3 oo laga soo saarey heshiis aan loo dhameyn

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Villa Soomaaliya ayaa faafisay "heshiis aan loo dhameyn oo ah doorashada 2020-21 ah" kaasoo madaxweyne Farmaajo uu la galay Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir.

Heshiiskan aysan qeybta ka ah Puntland iyo Jubaland kana soo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ayaa xeerinaya in coddeynta soo aaday noqoto mid ku saleysan degaan doorasho, waana nooca ay riixeysay Madaxtooyada Qaranka.

Sidda ku xusan qoraalka, dhinacyadda ayaa ku heshiiyey in kursi walba ay soo doortaan 301 Ergo isla markaana degaanada maamulada laga sameeyo shan degaan doorasho, iyaddoo xisbiyadda ay ku tartamayaan coddeynta.

Talaabada lagu xawilayo kuraasta baarlamaanka ayaa la sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in xubnaha taageersan Villa Soomaaliya lagu soo doorto goobaha ay doonayaan.

Heshiiska ayaa ku taariikheysan 19-ka August xilli uu soo baxay 20-ka August, taasoo la macno ah in uu ahaa mid diyaarsanaa isla markaana ay dhici karto in Muqdisho lagu soo qoray, waana mid xoojineysa shakiga maamulada.

Puntland iyo Jubaland ayaa u diidey ka qeybgalka Dhuusamareeb 3 maadaama Farmaajo khudbad uu ka jeediyey baarlamaanka "ku muujiyey in uusan diyaar u ahayn tanaasul iyo wadahadalo ay kasoo baxaan go'aano isla ogol ah".

Beesha Caalamka ayaa horey uga dhawaajisay in aysan sharciyad iyo aqoonsi heli doonin nooc doorasho oo aan ku imaan hanaan talo wadaag ah.

Heshiiska qabyada ah ee DhuusamareebIII ayaanan lagu qeexin goorta ay dhaceyso doorashadda, waxaana arrintaas ay sidoo kale sarre u qaadeysaa tuhunka laga qabo in Farmaajo uu rabo muddo kororsi sharci daro ah.

Mareykanka ayaa daqiiqo kahor inta uusan soo bixin heshiiskan "qaswadayaal" si aan toos ahayn ugu sifeeyay Puntland iyo Jubaland xilli uu taageeray doorashooyinkii uu dhiiga ku daatay ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Donald Yamamota, safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho oo kahor safarka Dhuusamareeb garoonka Aadan Cadde kula kulmay Farmaajo, ayaa u muuqda mid hayey nuqulka heshiiska, qoraalkiisana uu taageero ugu raadinayey.

Hoos ka akhriso heshiiska

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM