Soomaaliya: Cawad Axmed Cashara oo ku geeriyooday Canada

Image

ALLAH ha u naxariistee waxaa dalka Canada ku geeriyooday Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara oo sidoo kale kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan waddanka Soomaaliya.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah ehelkiisa oo sheegay inuu AHN Cashara uu u geeriyooday xanuun.

Cashara ayaa sidoo kale kamid ahaa dadkii wax ka aas-aasay Puntland isagoo soo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee wasaaradda Warfaafinta.

Sidoo kale dowladdii uu hogaaminayay Cabdullaahi Yuusuf ayuu kasoo noqday Xildhibaan.

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaan hadalladiisa cadaa iyo qaabkii uu ugu doodi jiray midnimada Soomaaliya.

Casharax ayaa goor sii horaysay isagoo Ilmaynaya wuxuu sheegay inay soo muuqatay rajo wanaagsan, dowlad shacabku leeyahay, maamuus leh iyo dhalinyaro isku duuban, wuxuuna ugu baaqay inay ilaashadaan kalsoonidooda iyo dowladda ay dhisteen.

ALLAH ha u naxariistee Geerida Cashara ayaa kusoo beegantay maalmo yar kadib geeri ku timid Maxamed Abshir Muuse Mataan oo taariikh weyn ku lahaa umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM