Wasiirro laga dalbaday inay is-casilaan iyo Khilaaf ka dhashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku soo sharaxay doorashada xilka gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa laga dalbaday inay iska-casilaan xilalka wasiir-nimo.

Go'aanka oo kasoo baxay Gudiga KMG ah ee qaban-qaabada doorashada oo shalay la magacaabay ayaa waxa uu dhaliyay khilaaf cusub, kadib markii uu ka hor-yimid wasiirka arrimaha dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil.

Xildhiban Nuur Iidow, oo ah gudoomiyaha Gudiga doorashada ayaa sheegay in Wasiir kasta oo u tartamaya xilka gudoomiyaha Gollaha shacabka looga baahan yahay inuu is-casilo, islamarkaana warqada is-casilaada kala yimaado Ra'iisul Wasaaraha.

Cabdi Xoosh ayaa sharci darro ku tilaamay sharuuda lagu xiray Wasiirada Xildhibaanada ah ee doonaya inay ka qeyb-galaan doorashada Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Qodobka 59 (c) wuxuu farayaa in shakshi Xildhibaan ah uu jago dowladeed oo kabaxsan Wasiirnimo uusan qaban Karin markii uu qabtana uu jagadaas tanaazul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartami karaa isagoon is casilin laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka naqdo, Wasiirnimadii waa gubattaa," ayuu ku yiri Cabdi Xoosh qoraal uu soo higay bartiisa Facebook.

Labo Wasiir oo kala ah Gaashaandhigga Maxamed Mursal, Tamarta iyo Biyaha, Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ayaa isku soo sharaxay qabashada xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Xildhibaano kale oo uu kamid yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa u taryamaha xilkan, oo loo gaar leeyahay inay qabteen Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa inay ku qabsoonta mudo 15 maalmood gudahooda laga soo billaabo markii uu xilka iska-casilay Maxamed Cismaan Jawaari April 9, 2018, sida uu qabo Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM