Xildhibaannada tageersan Jawaari oo Baaq u diray Farmaajo [Dhageyso]
MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada taageersan gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa baaq culus u diray Madaxweyne Farmaajo.
Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada ayaa Saxaafadda u akhriyay qodob ay kasoo saareen kulan ay Muqdisho ku yeesheen ayaa xusay in wali ay socdo abaabul ay wado xukuumadda oo ku wajan Jawaari.
Xildhibaanadan la safan Jawaari, oo sheegay inay tiro ahaan gaarayaan in ka badan 100 ayaa ugu baaqay Farmaajo in sidii uu ku hakiyay kulankii sabtida ee Gollaha shacabka, uu ku xaliyo khilaafka Siyaasadeed.
Fiqi ayaa xusay in xaaladda dalka ay halis gashay sabtidii lasoo dhaafay, islamarkaana weli ay taagan tahay halistaasi hadii uusan Madaxweynaha bixin amar lagu baabi'inayo Mooshinka Khilaafka keenay.
Xildhibaanka oo ugu cad-cad Mudaniyaasha sida weyn u difaacaya Jawaari, ayaa intaasi ku daray in haddi Farmaajo laga waayo go'aan cad ay caalamad su'aal fuulayso Mas'uuliyadda dalka cida haysa.
"Mas'uuliyad xooggan, oo ka duwan tii sabtidii ayaa hadda jirta, oo ku dhacaysa Madaxtooyadda, marka dhalanteed iyo watigi gadasho ma ahan wax qaranka anfacaya, oo Xildhibaanaduna yeeli karaan," ayuu yiri Fiqi.
Dhanka kale, Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi ayaa cambeereeyay tallaabooyinka uu qaadayo Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka, kuwaasi oo hurinaya xaaladda hadda taagan.
Wuxuu tilmaamay Fiqi in Muudey uusan awood u lahayn inuu mas'uul shaqada ka joojiyo ama uu sheegto xilka ku simaha Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, waxaana uu intaasi ku daray in arrimahaasi ay yihiin ku xad-gudub awoodeed iyo dastuur jebin.
"Fowdada dalka meesha ay ku socoto, iyo ka aamusnaanta Madaxtooyadda abaabulka Xukuumadda, waxay muujinaysaa inuu weli jiro dareenkii cuslaa ee sabtidii," ayuu yiri Axmed Maclin Fiqi.
Ugu dambeyntii, Xildhibaanada taageersan ayuu tilmaamay inay wacad ku mareen in howsha difaaca Jawaari meesheedii kasii wadaan, laguna difaaco gudoomiyaha xeyndaabka sharciga, iyadoo wixii xaq-darro ah ay jawaab ka bixin doonaan.
Baaqa Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya xilli xog hoose oo Warsidaha Garowe Online helay ay sheegayso in miiska ay saaran yihiin labo qodobo oo laga sugayo Jawaari midkood inuu qaato. Halkan ka akhri Warbixinta.
GAROWE ONLINE