Somaliland: Wadahadal u Bilowdey Xisbiga Wadani iyo Guddiga Doorashada - VIDEO

Image

HARGEYSA - Musharax Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi ( Cirro) oo ay weheliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa warsaxafadeed uu ku qabtey Hoyga uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa warfadiyeenada ugu sheegey in wadahadal ay la bilaabeen Guddiga Doorashada kaas oo lagu xalinayo cabashooyin ay u gudbiyeen.

Cabdiraxman Cirro ayaa sheegey in shacabka iyo guud ahaan tageerayaasha Xisbiga amniga ilaaliyaan amniga isagoo shaaca ka qaadey in maanta wadahadal u bilowdey Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Wadani si loo xaliyo codsiga tabashadii ay u gudbiyeen.

"Saan horey ugu baaqney shacbiga guud ahaan iyo taageerayaasha Xisbigaba waxaan ugu baaqeynaa iney amniga ilaaliyaan, waxaa kaloo u sheegeynaa in maanta wadahadal noo bilowdey Komishinka doorashooyinka Qaranka si loo xaliya codsiga iyo tabashada uu gubiyey xisbiga Wadani, wadahadlkii kowaad waan wada yeelaney maanta waan u gudbiney wixii dareen ah iyo tabashooyin ee xaaladaan lagaga bixi karayo oo ah qancin kuna saabsan wixii xisbiga uu dalbadey waxaana isugu imaaneynaa wadahadal labaad." ayuu yiri Musharax Cirro oo la hadlay saxaafada.

Cirro ayaa inta uu hadalkaan ku jirey markale ku celiyey in taageerayaasha xisbiga ka warsugaan inta la xalinayo tabashada ay qabaan.

"Anagoo aad iyo aad uga xun kana murugeysan waxaan tacsi u direynaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeryoodey shaqaaqadii ka dhacdey Burco iyo Hargeysaba waxaan ilaahey baryeynaa in naxariistii Jano geeyo intii dhaawacanteyna waxaan Ilaahey uga baryeynaa in caafimaad sariica siiyo, waxaan ugu baaqeynaa ciidamada amaanka Somaliland iney u turaan shacabkooda ay ka mas'uul yihiin amaankiisa ee aan hubeysneyn aysan aheyn iney u adeegsadaan rasaas nool nool iyagoo intaas wax ka gadisan ku xalili karaya." ayuu yiri Cabdiraxman Cirro isagoo ka hadlaya mudaraadyadii ka dhacey maalintii shaley magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Hadalka Musharaxa ayaa imaanaya maalin kadib markii uu sheegey in xisbigiisu joojiyey wada-shaqeyntii uu la sameynayey Guddiga doorashada madaama aysan ka jawaabin cabashooyin ay u gudbiyeen kuwasoo lagaga hadlayey tirinta codadka gaar ahaan gobolka Maroodijeex.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM