Taliyihii sirdoonka gobolka Sool oo lagu "dilay" Laascaanood

Image

HARGEYSA, Somaliland - Dabley aan la aqoonsan heybtooda waxaa lagu waramay in caawa ay magaaladda Laascaanood ku dileen Cabdiqani Guhaad, oo ahaa taliyihii sirdoonka gobolka Sool.

Marxuumka ayaa lasoo warinayaa in lagu toogtay nawaaxiga hoygiisa. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta in ay beegsadeen kooxo ku hubeysan bastoolado.

Ma cadda sababta ka dambeysa beegsiga sarkaalka. Si lamid ah, illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Laamaha ammaanka ayaanan wali ka hadlin falkaas.

Labadii bishaan Maaj ayay ahayd markii qarax nooca gawaarida lagu xiro uu ku dhintay Guddoomiyihii maxkamadda gobolka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in taliyaha uu gacanta ku hayey kiiskaas isla markaana maalmihii lasoo dhaafay uu xoojiyey baaritaanka.

Bilooyinkii u dambeeyay, warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa muujiyey in Al-Shabaab iyo Daacish ay dagaalameyaal ku daabuleen degaano ka tirsan Somaliland.

Somaliland, maamul gooni u goosad sheegta tan iyo 1991-dii balse aan wali helin aqoonsi caalami ah, ayaanan looga baran falalka la xiriira qaraxyadda iyo dilalka lagu beegsado mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM