WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Image

Kinshasa, Congo – Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Sabtidii si adag u diiday go’aanka Kenya ay ku magacowday qunsul guud oo u fadhiya magaalada Goma ee bariga Congo, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaasi “mid aan habboonayn” oo meel ka dhac ku ah madax-bannaanida dhuleed ee dalka.

Magaalada Goma oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ayaa muddooyinkii dambe saldhig u ahayd iska horimaadyo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Congo iyo fallaagada M23 oo ay taageerto Rwanda. Bishii Janaayo, M23 ayaa weerar deg-deg ah ku qaaday magaalada, waxayna gacanta ku dhigtay kadib dagaal socday maalmo, taasoo keentay in ciidamada dowladda ay ka baxaan magaalada.

Dowladda Congo ayaa sheegtay in magacaabista qunsulka Kenya ee Goma ay u eg tahay sidii in si dadban loo aqoonsanayo gacanta ay M23 ku hayso magaalada, taas oo dhaawacaysa karaamada dhuleed ee dalka. Waxa kale oo ay dowladda Kinshasa sheegtay in Kenya aysan wax la-tashi diblomaasiyadeed ah la samaynin ka hor inta aysan shaacin magacaabista, taasoo baal marsan xeerarka caalamiga ah iyo dhaqanka diblomaasiyadda.

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo. Waxay sidoo kale isku dayday inay dhisto maamul iskiis u taagan oo ka tirsan kooxda cusub ee "Congo River Alliance," taasoo sheegtay inay doonayso inay xoreyso gobolka laga maamulo Kinshasa oo ay ku eedeysay musuqmaasuq iyo ku tumasho xuquuqda shacabka.

Inkasta oo dowladda Congo iyo M23 ay dhawaan saxiixeen "axdi mabaa'di ah" oo lagu garwadeenayo wadahadallo ay dhexdhexaadinayso dowladda Qatar, hadana dadaalladaasi waxay u muuqdaan kuwo fashilmay, waxaana dib u billowday dagaalladii.

Dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay inuu si dhaw ula shaqeynayo dowladda Rwanda — oo ay Congo ku eedeyso taageeridda M23 — tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne William Ruto. Tani waxay sii xoojisay kalsooni darrada Kinshasa ay ka qabto doorka Kenya ee gobolka.

Christian Moleka, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Congo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in magacaabista qunsulka ay wiiqi karto dadaallada nabadeed ee gobolka, islamarkaana ay horseedi karto kala shaki dheeraad ah oo u dhexeeya dalalka dariska ah.

Dowladaha deriska la ah Congo — oo ay ka mid yihiin Rwanda, Burundi, Uganda iyo Kenya — ayaa ciidamo ku leh bariga dalka, taas oo ka sii dhigtay xaaladda mid cakiran oo caqabad ku ah sidii loo heli lahaa xasilooni waarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM