Is-qarxiyihii Kulliyada Jaalle Siyaad oo xog horudhac ah laga helay

Image
Sarkaalka labaad ayaa sheegay in marka laga soo tago askarta la beegsaday saldhiga ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii lala beegsaday xero ciidan oo ah Kuliyadda Jaalle Siyaad 23-kii bishan Julaayo.

Aadan Madoobe ayaa waxa uu dalbadey in lasoo bandhigo natiijadda baaritaanka weerarkaas kaasoo galaaftay nolosha 25 askari, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in saraakiisha baarayay qaraxaas ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro kornayl, kuwaasoo lala xiriirinayo falkaas.

Mid ka mid ah saraakiishaasi ayaa ku adkeystay in qofka is qarxiyay uusan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga Dalka. Hadalkan waxa uu jawaab u yahay xan la isla dhexmarayay internet-ka.

Laakin sarkaalka labaad ayaa sheegay in marka laga soo tago askarta la beegsaday saldhiga ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo ay ku jiraan ciidamada dhulka iyo gaadiidka ciidamada xoogga dalka.

"Waxaa suurtagal ah in qofka is qarxiyay uu ka faa'ideystay aqoon la'aanta ka jirta askarta saldhigga," ayuu yiri, isaga oo aanan s gaar ah u carabaabin xog dheeri ah.

Geesta kale, Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu doonayo in jawaabo laga bixiyo sida ay ugu suuragashay in qofka is qarxiyay uu galo saldhig aad loo ilaaliyo.

"Tani maaha meel aad ka soo muuqan karto. Meel caadi ah maaha,” ayuu xusay. Waxa uu sheegay in ay tahay "wax laga xumaado" in askar diyaar u ah in ay naftooda u huraan dalka in lagu "xasuuqo" xaruntooda.

Waxa uu kusoo xiray hadalkiisa: "Haddii lagu dili lahaa [goobta dagaalka], dadka Soomaaliyeed waxay dhihi lahaayeen, 'Alle naftooda ha barakeeyo.' Laakiin waa wax laga xumaado in lagu xasuuqo [xaruntooda]".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM