Mahad Salaad oo booqasho ku tagaya New York iyo Washington DC
MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, ayaa ku wajahan New York iyo Washington DC ee Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Sidda ay xogta muujineyso, Mahad Salaad ayaa lagu waddaa in uu wadahadalo fool ka fool ah la yeesho mas'uuliyiin ka tirsan Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka, iyo hay'adaha mukhaabaraadka CIA-da iyo FBI-da.
"Booqashada agaasime Mahad Salaad iyo wafdigiisa ayaa waxay diirada saareysaa iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisadda labadda waddan," ayay caddeeyeen illo wareedyadda.
Mahad Salaad oo soo noqdey Xildhibaan ayaa loo magacaabay xilka agaasimaha NISA maalmo kadib markii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortey 15-ka bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022-dii.
Safarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ciidamadda Mareykanka ay duqeyn diyaaradeed dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe Isniintii todobaadkan 22-dii May, 2023.
Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa xaqiijiyey in duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaaladda Jilib ee xarunta gobolka Jubadda Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay la kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya balse masoo bandhigin cidda lala beegsadey iyo khasaaraha ka dhashay.
"Qiimeynta horudhac ah waxay muujinaysaa in uusan jirin khasaaro soo gaarey dad shacab ah - dhimasho ama dhaawac," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska AFRICOM.
War-saxaafadeedka ayaa intaas waxa uu kusii daray: "Howlgalka AFRICOM waxa uu qaadey talaabooyin uu uga hortagayo waxyeeladda dadka shacabka ah si loo gaaro xasiloonida Afrika".
Dhanka kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in howlgalkan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka xarumo ay lahayd Al-Shabaab.
"Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab," ayuu yiri telefishinka qaranka.
TV-ga QARANKA ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa waxa uuu geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay".
GAROWE ONLINE