Deni oo ka shaqeynaya qorshe xilka looga qaadayo Xamsa

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa ka baaraan-dagaya abaabulka mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ka baaraan-dagayaa abaabulka mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Xamse Cabdi Barre, sida uu ogaadey Garowe Online.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey GO in Deni uu qaar kamid ah madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda xubinta ka ah dowladda federaalka ah kala xaajoodey in ay ku garab-siiyaan qadiyaddan.

"Kaliya waxa uusan kala hadlin madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam," ayay GO u sheegeen ugu yaraan afar qof oo la socda dhaqdhaqaaqa hogaamiyaha Puntland. "Sababta waxay yeelan kartaa dhowr waji".

Wararka ayaa intaas ku daraya in safaradii ugu dambeeyay ee Deni ku tagay dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Zambia uu dad-kala duwan iyo jaaliyado halkaas kula soo shiray uu kusoo hadal-qaadayay "damaciisa ku aadan in uu meesha ka saaro Xamse".

"Madaxweynuhu wuxuu qaar kamid ah dadka la kulmay u soo jeediyeen in uu la shaqeeyo Xamse," ayay ku dareen illo wareedyadda. "Balse, wuxuu Saciid Deni ku adkeystay in uusan u baahneyn maadaama aysan taladdu ka go’in".

Sidda laga soo xigtey dhowr qof oo ay wada sheekeysteen, Deni oo hadda guda galay Sanadkii ugu dambeeyay xukunkiisa ayaa sidoo kale wuxuu aaminsan yahay "in uu wax kasta kala hadli karo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud".

Waxaan wanaagsaneyn xirirrka uu Madaxweyne Dani la leeyahay xildhibanada ku matala Puntland iyo Jubaland aqalka sare iyo aqalka hoose ee barlamnaka Federaalka Soomaaliya.

"Madaxweyne Dani ma bilaabi karo mooshin ka dhan ah Hamsa balse waxaa ku lug darsan karaa mid ay socoto ka shaqeyntiisa isagoo lacag ku bixin kara" Sidaas waxaa GO u sheegey falanqeeye siyaasadeed oo magaciisa gaabsadey. 

Dani ayaa markii uu ku guuldareystey doonista xilka madaxweynaha Soomaaliya  waxa uu Geed -Dheer iyo mid gaaban u fuuley sidii Madaxweyne Xasan Shiikh ugu xulan lahaa xilka Ra'isal wasaaraha Soomaaliya balse ridyadaas waxay noqotey mid aan suurtagalin. Madaxweynaha Puntland oo leh dabeecad argoosi ayaa kadib markii la magacaabey RW Hamsa waxaa uu hoos u dhigey wada-shaqeyntii uu la yeelan lahaa taas oo kenetey inuusan weli booqasho ku tagin magaalo madaxda Puntland ee Garowe. 

RW Hamsa oo ah nin qunyar socod ah kuna cusub siyaasada ayaa waxaa saameyn ku yeeshey dhacdooyinkaan taas oo sababtey iney hoos u dhacdo saameyntiisa siyaasadeed gaar ahaan degaanada uu ku matalo kursigaan. 

Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada Puntland ku yeesheen Garowe, madaxwayne Deni ayaa u sheegay xubnaha xukuumadiisa "in aysan tagi karin Muqdisho iyaga oo aan soo ogeysiin xafiiskiisa".

Warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxay ogaatay in Deni uu ku canaantey qaar kamid ah wasiiradiisa in ay Muqdisho tageen sawirro la galeen mas’uuliyiin heer federaal ah ayna saxiixeen heshiis uusan isagu ka war hayn".

"Madaxwaynaha oo u muuqdey mid aad u careysan ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo saaxiibadda Xasan Sheekh ay wadaan dhaqaale lunsasho," ayay GO si hoose ugu sheegeen ku dhowaad afar qof oo goobjoog ahaa.

Dagaalka siyaasadeed ee uu bilaabay Deni oo sidoo kale maanta baajiyey socdaal wasiirka isbedelka cimilada iyo degaanka ay ku tagi lahayd Garowe ayaa salka ku haya in aan wali loo fulin balamo dhaqaale oo uu la galay Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM