Ciidanka Mareykanka oo la ogolaadey in laga joojiyo weerarada madaafiicda

Image

BAQDAAD, Iraq – Kooxo hubeysan oo Iiraan ay taageerto ayaa ogolaadey in ay joojiyaan weerarada madaafiicda ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka, sidda mid kamid ah dableyda ay shaaca ka dhigay Axada maanta ah.

Hakintan ayaa qayb ka ah shuruudaha ay dowladda Ciraaq loo gudbiyey si ciidamadda Ameerikaanka ah waddankaas uga baxaan waqtiga loo qabtey.

"Darafyada ayaa miiska u saaray sidda shuruud xabad-joojin ah," ayuu yiri Mohammed Mohi, afhayeenka maleyshiyada ururka Kataib Hezbollah.

Mohi oo u waramay wakaalada wararka Reuters ayaa ku daray "Shuruudaha waxaa kamid ah hakinta iska-caabinta Mareykanka oo ay ku jirto bartilmaameedsiga ka dhanka ah saldhigyada ciidanka Ameerika".

Dowladda Ciraaq ayuu ku adkeystay in ay ku waajib tahay fulinta qaraarka baarlamaanka ee Janaayo soo baxay kaasoo dhigaya in ay gudaha hayaamaan dhamaan ciidamadda ajnabiga sidda Mareykanka.

Go'aanka baarlamaanka ayaa yimid markii Mareykanka uu duqeyn ka dhacdey garoonka Baqdaad uu ku dilay Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamada sirdoonka dibada Iran, iyo Abu Mahdi Al-Muhandis, madaxa ciidamada Shiicada Iraq. Weerarkaas wuxuu sare u qaadey ololaha liddiga ku ah Washington.

Xilli uu ka dhawaajiyey in uusan jirin waqti xadidan oo dowladda looga baahan yahay in ay ku fuliso, haddana wuxuu uga digay: "Hadii Ameerika ku adkeysato in ay joogto oo aysan ixtiraamin qaraarka baarlamaanka, kadib dhamaan darafyadda waxay adeegsan doonan hubkooda si ay daaqada uga saaraan".

Weerarada madaafiicda ee ka dhanka ah ciidanka Mareykanka iyo xarumaha diblumaasiyiinta ayuu carabka ku dhuftay in ay fariin cad u yihiin in aan laga soo dhaweyn doonin gudaha Iraq ayna u xigi doonan weeraro ka xun.

Mas'uuliyiinta Washington ayaa ku eedeeyay Kataib Hezbollah in ay tobanaan madfac ah ku duqeysay fariisimaha ciidanka Mareykanka ee Iraq.

Kataib Hezbollah ayaa beenisay eedeyntaas. Maleyshiyo yar-yar iyo kuwa la aqoon oo horey u jiray ayaa sheegtay weerarada qaar. Ciidamada Amniga Ciraaq waxay aaminsan yihiin in kooxaha ay gacansaar la leeyihiin Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo raba inuu Trump kala wareego wadahadalka Nabada Ukraine

Kulanka London ayaa yimid kadib markii Trump iyo Zelensky  dood adag ku dhexmaray Jimcihii Aqalka Cad.

  • Caalamka

    02-03-2025

  • 09:26PM

Yurub oo dejisay qorshaha dagaalka Ukraine oo Trump la'aantiisa la fulin karin

Iskaashiga u dhexeeya Ingiriiska, Faransiiska, iyo Ukraine ayaa muhiim u ah xoojinta taageerada caalamiga ah ee loo fidinayo Ukraine.

  • Caalamka

    02-03-2025

  • 11:39AM