Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Image

ANKARA – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu qorsheynayay inuu ku tago dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), taas oo ku beegnayd 16-ka ilaa 17-ka Febraayo.

Sida ay baahisay Agaasinka warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Intii uu socday wadahadalka, Erdogan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xanuunka soo wajahday hoggaamiyaha Imaaraadka, isagoo u rajeeyay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.

Booqashada oo lagu waday inay diiradda saarto xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo kuwa gobolka, ayaa loo baajiyay si fursad loogu siiyo Sheikh Mohammed bin Zayed inuu ka soo kabsado xaaladda caafimaad ee soo wajahday. Labada dhinac ayaa isku raacay in booqashada loo wareejiyo waqti kale oo ku habboon oo dib laga soo saari doono.

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in isbeddelka ku yimid safarka Imaaraadka uu sidoo kale saameyn ku yeelan karo qaybta kale ee safarka Erdogan oo ku beegnayd dalka Itoobiya (17-ka Febraayo), halkaas oo uu martiqaad rasmi ah uga helay Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM