Ilhaan oo mar kale ku guuleystay kursiga baarlamaanka Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleystay kursiga baarlamaanka Mareykanka ayaa ka adkaatay Lacy Johnson, oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, iyo Michael Moore, oo ahaa murashax madax-banaanaa.

Sidda ay muujineyso natiijadda soo baxdey, Ilhaan ayaa heshay codad gaaraya 251,820 taasoo la macno ah in ay ku badisay isku cel-celis ahaan 64.6%.

Murashaxii ka socday xisbiga Jamhuuriga oo wadar ahaan helay codad dhan 100,907 ayaa isku cel-celis ahaan waxay uga dhigan tahay 25.9%.

Moore oo dhankiisa ahaa murashax madax-banaan ayaa helay 37,126 taasoo isku cel-celis ahaan ka dhigan 9.5%, sidda ay muujineyso max-suulka coddeynta.

Wadarta guud ee dadka codadkooda dhiibtay ayaa gaaraya 389,853. Kursiga ay ku tartamayeen wuxuu ahaa degmadda Shanaad ee magaalada Minnesota.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijadda ay labinta ku heshay, Ilhaan ayaa muujisay dareen farxadeed, iyaddoo u mahadcelisay taageereyaasheeda.

Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo Ilhaan loo doortay xubin ka noqoshada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka, waxayna noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali Afrikaan Muslim ah oo ku biirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM