Lacagta Al-Shabaab "dalbatay" si ay u sii deyso dhakhaatiirta Cuba

Image

HARERA, Cuba – Wadahadalo ayaa u socda dowladda Cuba iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab si ay xorriyadooda dib ugu helaan dhakhaatiirtii April, 2019 laga soo qafaashay waqooyi bari Kenya, sidda ay warbaahinta maxaliga ah.

Bogga afka dheer ee Cibercuba ayaa wariyey in wada-xaajoodyaddaas ay fududeynayaan odayaal dhaqan kuwaasoo tiradooda aan la qeexin iyo shaqsiyaad kale oo dulaaliin ah kuwaasoo dhinacyada u kala dab-qaadaya.

Warbixintan ayaa kusoo hagaageysa maalin kadib markii Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Cuba ay telefoonka uga wadahadleen qadiyadan, iyagoo is-weedaarsaday macluumaad ku saabsan meesha ay wax marayan.

Sidda ku xusan warbixinta mareega oo soo xiganeysa odayaasha dhaqanka, Al-Shabaab oo kiiska howlwadeenada caafimaad u aragta il ay dhaqaale ka sameyn karto ayaa dalbatay aduun dhan 1.5 milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Illaa haatan lama ogga meesha lagu hayo Assel Herrera Correa iyo Rodríguez Hernández, marka laga reebo in bishii May ee sanadkii 2019-kii lasoo wariyey in odayaal dhaqan ay kusoo arkeen degaan kamid ah dhulka Jubaland.

"Dhanka kale, Al-Shabaab waxay uga faa'iideysan kartaa haysashada dhakhaatiirta in ay u daaweeyaan dagaalameyaasha kasoo dhaawacma una tababaraan kuwa cusub iyagoo ay ilaalinayaan guutadooda Xarasa ee dusha kala socota maxaabiista iyo dhaqdhaqaaqa la-haysteyaasha," ayaa lagu yiri qormada bogga.

Talaabada haatan soo shaac-baxdey ee Cuba ay ku bilowday in ay la hadasho Al-Shabaab ayaa imaaneysa sanad kadib markii Kenya ay ku guuldareystay in ay ka shaqeyso badbaada howlwadeenada kuwaasoo ay soo kireysatay.

Xukuumadda Nairobi oo horey meesha uga saartay suurtagalnimada in madax-furasho lagu soo daayo dhakhaatiirta kuna adkeysatay talaabo milatari ayaan la ogeyn qaabka ay ku ogolaan doonto in la bixiyo aduun lacageedkaas.

Bishii May 9-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii Al-Shabaab laga soo badbaadiyey Silvia Romano oo la baxdey Maryama ka gedaal markii ay Islaamtay, wallow ay jiraan warbixino xusaya sii deynteeda lagu bixiyey madax-furasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM