Mareykanka oo weerar dhanka cirka ah ku dilay afhayeenkii Daacish

Image

WASHINGTON, US – Milagariga Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay afhayeenkii Daacish, Abu al-Hassan al-Muhajir, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Wargeyska afka dheer ee Newsweek ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shaaciyey in al-Muhajir lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo wada jir ah.

Warbixinta oo laga soo xigtay illo wareedyo macquul ah ayaa waxay imaaneysaa maalin kadib dhimashada hogaamiyahii ISIL, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Taliska Ciidamada Dimoqraadiga ee Suuriya ayaa Axadii waxay baahiyeen akhbaarta ku saabsan khaarjinta Abu al-Hassan al-Muhajir.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, gulufka lagu dilay Al-Xasan ayaa ka dhacay xaafadda Ayn al-Bayda gaar ahaan meel ku dhow magaalada Jarablus.

Muhajir ayaa afhayeenka ISIS waxaa loo magacaabay 2016-kii ka gedaal markii ninka uu bedelay Abu Mohammad al-Adnani, lagu dilay magaaladda Xalab.

Abu al-Hassan ayaa la rumeysan yahay in ahaa gacanta midig ee Abuubabar Al-Baqdaadi oo Axadii ku geeriyooday magaaladda Idlib.

Sidda laga soo xigtay Donald Trump, Amiirkii kooxda la magac-baxday dowladda Islaamka, ayaa isu-qarxiyey god dhulkiisa ah markii ciidamada hareeyeen.

Muhajir ayaa muuqaalkiisu aad ugu yaraa fagaareyaasha. Balse, dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in uu ahaa nin ajaaniib ah wallow aan la shaacin Jinsiyadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo u hanjabay Midowga Yurub iyo Shiinaha

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa'iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 07:28AM

Trump oo joojiyay safarrada qaxootiga horey loo oggolaaday inay degaan Mareykanka

Ka mid ah dadkaas waxaa ku jira in ka badan 1,600 oo Afgani ah oo loo oggolaaday inay u socdaan Mareykanka.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:22PM