Maxaa ku qoran qaraarka Ilhaan ku saabsan ee Kongareeska codka u qaadayo ?

Image

(GO) - Koongareeska ayaa cod galinaya in xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga Arrimaha Dibeda Aqalka kadib markii uu sidaasi codsaday guddoomiye McCarthy oo ka tirsan xisbiga aqlabiyadda haysta ee Jamhuuriga.

Qaraar laga diyaariyay Ilhaan oo ah kan codka loo qaadayo ayaa waxaa ku qoran “Ilhaan iyada ayaa hadaladeeda isaga saartay guddiga Arrimaha Dibedda oo ah mid ay adduunyada u aragto in uu yahay midka sida dhabta ah u metela Aqalka Koongareeska ee ku aaddan arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah iyo amniga qaranka”.

Waxaa kale oo uu qaraarka taxayaa dhammaan hadaladii muranka dhaliyay ee ay IIhaan horey u sheegtay, wuxuuna si cad ugu eedeynayaa xildhibaanada in weerarkii 11-kii Sebtember ee daaraha dhaadheer uusan ahayn wax sidaas muhiim u ah.

Balse qaraarka waxaa laga saaray raaligalintii ay ka bixisay hadalada qaar.

Waxa ugu weyn ee la sheegay in Ilhaan lagu haysto ayaa ah in ay dhaleeceysay siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka ee ku aaddan Israa’iil iyo arrimaha Falastiiniyiinta.

Waxaase jira xildhibaan Jamhuuriga ka tirsan oo kasoo horjeeda in Ilhaan laga saaro guddiga, balse xildhibaanadii markii hore sheegay in ay is hortaagayaan coddeynta ayaa hadda dhanka kale isu rogay oo sheegay in ay Ilhaan ka codeynayaan. Xildhibaan Nancy Mace oo kaliya oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa illaa hadda si cad u diidan.

Dimoqoraadiyiinta ayaa dhankooda wada dedaalo si wadajir ah ay isugu dayayaan in ay kaga hor tagaan in Ilhaan codka kalsoonida lagala noqdo.

Kevin McCarthy oo ah guddoomiyaha Aqalka ayaa maalinta Khamiista ka dhigay codbixinta kalsoonida Ilhaan kadib markii uu Aqalka ansixyay ajandaha in la codeynayo.

Haddii xildhibaanada Dimoqoraadiga oo dhan ay kasoo horjeedsadaan codeynta oo ay ‘Maya’ ku codeeyaan, Jamhuuriga waxa ay kaliya haystaan 4 cod oo ay kaga adkaan karaan xisbiga kale, waa haddii laftooda ay isku wada raacsanyihiin qorshaha.

Guddoomiye McCarthy oo la weeydiiyay ayaa yiri “Ma hubo boqolkiiba boqol, balse waa wax dhici kara” in Ilhaan laga saaro guddiga.

Guddoomiyaha ayaa sanadkii 2021-dii ku hanjabay in uu Ilhaan ka saari doono guddiga haddii xisbiga Jamhuuriga la wareegaan aqlabiyadda aqalka iyo guddoonka, haddane wuxuu sheegay in uu ballantii oofinayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dad horleh oo ku geeriyootay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Gaza

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay waqooyiga Qaza ay sii socoto, oo ay ku xanniban tahay ilaa 400,000 oo Falastiiniyiin ah.

  • Caalamka

    15-10-2024

  • 05:46AM

Israa'iil oo askar badan looga dilay weerar loo adeegsadey drones

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay.

  • Caalamka

    14-10-2024

  • 07:48AM