Sababta Stephen u fuliyay weerarkii Las Vegas oo la baarayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Booliska dalka Mareykanka (FBI) ayaa ka shaqeynayo in ay ogaadaan waxa ku dhaliyay in uu dadka laayo, ninka lagu eedeynayo weerarkii Las Vegas.

Weerarka oo lagu qaaday bandhig faneed, waxaa ku dhintay 59 qof, waxaana ku dhaawacantay 527 qof. Ninka weerarka qaaday, Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa, ayaa rasaas ka soo riday dabaqa 32-aad ee hoteelka Mandalay Bay.

Rasaasta ayaa ku dhacday dadka oo ku sugnaa dhulka hoose oo xafladda bandhig faneedka ay ka socotay.

Booliska ayaa 23 qori ka helay qolka uu ka deganaa hotelka. Sidoo kale waxaa gurigiisa oo ku yaalla Navada laga helay 23 biskoolad iyo waxyaabo qarxa. Laakiin, weli macadda sababta uu dadka u dilay iyo waxa ku dhaliyay.

Baarayaasha waxay ogaadeen in weerarka uusan wax xiriir ah la lahayn 'argagixiso caalami ah'. Qaar ka mid ah baarayaashu waxay sheegeen in dhibaato dhanka maskaxda ah ay jirtay, balse taa lama cadeyn karo weli.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarka ku tilmaamay "xumaan cad". Wuxuu ka hadlay Aqalka Cad, weerarka ka dib. Ninka falka ka dambeeyay booliska horey umaysan aqoon.

Wuxuu kasoo jeedaa magaalada Mesquite ee gobolka Navada. Wuxuu maalmo ka hor kireystay qol ku yaala dabaqa 32-aad ee hoteelka Mandalay Bay. Eric Paddock oo la dhashay ninka falka gaystay ayaa warbaahinta u sheegay in uusan fahmi karin sababta walaalkiis ku kaliftay in uu falkaas ku koco.

Sanadkii 2012-kii ayaa la sheegay in Paddock uu dacwad ku furay hotel lagu magacaabo The Cosmopolitan Too, oo ku yaalla Las Vegas, kadib markii uu meel kasoo dhacay, wuxuuna ku eedeeyay dayacaad.

Balse 2014-kii ayay dacwadii la laabteen labadii dhinac ee ay quseysayba. Waxaa gurigiisa laga helay rasaas aad u badan oo ku qarsoonayd gaari.

David Famiglietti oo hubka iibiya ayaa BBC-da u sheegay in Paddock uu qoryaha ka iibsaday dukaankiisa oo ku yaalla Waqooyiga Las Vegas.

Wuxuu sheegay in dhammaan wixii laga rabay uu keenay, sidoo kalena FBI-da ay taariikhdiisa eegeen. Sikastaba, hubka uu iibsaday 'laguma sameynkarin wixii aan muuqaalka ka aragnay, haddii aysan been ahayn," ayuu yiri Famiglietti.

Source: GO + BBC

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM