Sooyaalka Al-Baqdaadi: Mu'addin Masjid illaa iyo hogaamiyaha Daacish

Image

WASHINGTON, US – Warbaahinta gudaha Mareykanka ayaa ku warameysa in ciidamadooda ay Waqooyi Bari waddanka Suuriya ka fuliyeen howlgal gaar ah oo ka dhan ah hogaamiyaha Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi.

Inkasta oo si rasmi ah aan wali loo xaqiijin dhimashadiisa, Abuubakar ayaa waxaa la sheegay in howlgalkaas lagu khaarijiyey isaga iyo dagaalameyaal kale.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa in ay afarta galabnimo waqtiga Barig Afrika la hadlo saxaafadda. Warar ayaa tibaaxaya in uu soo qaadi doono arrintan.

Aqalka Cad ayaa mar sii horeysay baahiyey in saacadaha soo aadan uu Trump ku dhawaaqi doono "war weyn oo dunida oo idil saameyn ku leh gaar ahaan Mareykanka".

Kooxda Al-Badqaadi ayaa haatan looga awood roonaadey Suuriya iyo Ciraaq kadib dagaalo qaraar. Hase yeeshee, waxay isku fidinayaan meelo ay kamid tahay Soomaaliya.

Waa kuma Abuubakar Al-Baqdaadi?

Amiirka kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa lagu qeexaa "ninkii loogu doon-doonista badnaa aduunka".

Bishii October 2011-kii, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa u aqoonsaday "argagixiye" waxayna dul-dhigeen 10 milyan oo Doollar.

Lacagtaas ayaa waxaa loo balanqaad in la siin doono qofkii keena xog lagu dili karo ama sahleysa in nolosha lagu qabto.

Baqdaadi ayaa leh mas'uuiyadda abaabulka falal naxariis darro ah oo ka dhacay aduunka dacaladeeda kala gedisan.

Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii ayaa la sheegayaa in uu wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda. Masjidka ayaa la aaminsan yahay in uu mararka qaarkood ka ahaa Mu'adin.

Dadka isaga yaqaano ayaa ku sheegaya in uu Jihaad-aloose ahaa mudadii uu xukunka hayey Sadaam Xuseen, hogaamiyihii hore ee Ciraaq.

Kuwa kale ayaa aaminsan in lagu xagjireeyay afar sano oo uu ku xirnaa Xerada Bucca, oo ah goob Mareykanku maamulo oo ku taala koonfurta Ciraaq.

Saldhigaas ayaa waxaa sidoo kale ku xirnaa qaar kamid ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Sanadkii 2010-kii ayuu soo shaac-baxay isaga oo ah hogaamiyaha Al-Qaacida Ciraaq, taas oo kolkii dambe la midowday Daacish.

Isku day ay kula midoobi lahaayeen falaagadda Al-Nusra Front ee Suuriya ayaa la sheegayaa in ay ka hoos-mareen rajadii ay filayeen.

Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii.

Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM