Tirada xayawaanka Shabeelka ku nool Hindiya oo lasoo bandhigay

Image
Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay tirokoobkan oo la sameeyay sanadkii 2022-dii.

NEW DELHI, Hindiya - Tirada xawaaynka Shabeelka ee ku nool Hindiya ayaa kor u kacday ilaa 3,167 sanadka 2022, sidda uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas isaga oo soo xiganaya sahan cusub.

Narendra Modi oo ka hadlay Mysuru, magaalo ku taal koonfur-galbeed gobolka Karnataka, ayaa sidoo kale waxa uu daahfuray olole loogu magac-daray Isbahaysiga Caalamiga ah ee Bisadaha Waaweyn.

Ujeedada ugu weyn ee ka dambeysa IBCA waa in la ilaaliyo toddoba bisadood ee waaweyn kuwaasoo ay kamid yihiin uguna caansan yihiin Shabeelka iyo Haramcadka.

Marka loo eego xogta uu la wadaago ra'iisul wasaaraha, tirada shabeelku waxay soo martey mar-xalado; 1,411 (sanadkii 2006), 1,706 (2010), 2,226 (2014), 2,967 (2018), iyo 3,167 )sanadka 2022).

Wasiirka koowaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in Hindiya ay hoy u tahay 75% shabeelka guud ahaan adduunka tan iyo markii ay xorriyadda qaateen 75-sano kahor.

"Haramcadka waxay dabar go'een Hindiya tobannaan sano ka hor. Bisadan weyn ee quruxda badan ayaanu India kaga keennay Namibia iyo Koonfur Afrika. Tani waa wareejintii ugu horreysay ee bisadda weyn ee ka gudubta qaaradaha,” ayuu yiri Modi.

Wuxuu raaciyey: "Hindiya waa waddan ilaalinta dabeecadda ay ka mid tahay dhaqanka. Ma aaminsanin khilaaf u dhexeeya deegaanka iyo dhaqaalaha, laakiin muhiimad waa wada noolaanshaha labada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye waday diyaarad kusii jeeda Istanbul oo hawada ku geeriyooday

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Seattle ee Mareykanka fiidnimadii Talaadada ayaa u jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

  • Caalamka

    09-10-2024

  • 01:26PM

Iiraan: Wasiir booqdey goob laga digay in ay ku beegsato Iiraan

Shiinaha, oo aan aqoonsanayn cunaqabateynta Mareykanka, ayaa ah macmiilka ugu weyn ee Tehran.

  • Caalamka

    06-10-2024

  • 07:54AM