Trump oo ku hanjabay inuu labanlaabi doono canshuuraha Canada

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu labanlaabi doono canshuuraha birta iyo aluminiumka laga keeno Kanada, taasoo ah xoojinta khilaafka dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kanada, oo ah wadanka ugu weyn ee ganacsi la leh Maraykanka.

Trump ayaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Truth Social in canshuuraha ka dhigi doono 50% laga bilaabo Arbacada. Talaabadan ayaa ku timaada kaddib markii gobolka Ontario ee Kanada uu soo rogay 25% canshuur ah oo ku saabsan korontada Kanada ee laga isticmaalo Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in Kanada ay ka saarto canshuuraha ay saartay badeecadaha Maraykanka, isagoo ku hanjabay inuu "si weyn u kordhin doono" canshuuraha laga qaado gawaarida laga keeno Kanada haddii Kanada aysan ka saarayn "canshuuraha kale ee xadgudubka leh ee muddada dheer soo jiray."

Trump ayaa sidoo kale uga digay Kanada canshuuraha gawaarida Mareykanka. Trump ayaa mar kale ku celiyay qaar ka mid ah hadalladiisii hore ee ku saabsan in Kanada ay noqoto gobolka kamid ah Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Syria: Haraadiga Bashar Al-Assad oo lagu soo afjaray dagaal dhiig badan ku daatey

Sida ay sheegtay hay’ad kormeerta dagaalka, rabshadahani waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, ay badankood ahaa shacab.

  • Caalamka

    10-03-2025

  • 09:01PM

Sacuudiga oo dhex-dhexaadinaya Mareykanka iyo Ukraine

Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doona wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda.

  • Caalamka

    10-03-2025

  • 11:45AM