Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka
Tehran, Iran – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa meesha ka saaray suuragalnimada in si degdeg ah dib loogu bilaabo wadahadallo dhexmara Mareykanka iyo Iran, kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu sheegay in wada-xaajoodyadu dib u bilaaban karaan toddobaadkan.
Araghchi ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu bixiyay Isniintii kana baxay CBS Evening News, xilli wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ay soo saareen bayaan ay ku baaqayaan in dib loo bilaabo wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Iran iyo Mareykanka ayaa ku jiray wadahadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Tehran, markii ay Israa’iil bilowday weerarro lagu bartilmaameedsanayo xarumaha nukliyeerka iyo ciidamada Iran. Mareykanka ayaa si toos ah ugu biiray weerarradaas 21-kii Juun, isagoo duqeeyay xarumo ay kamid yihiin Fordow, Natanz iyo Isfahan.
Iran ayaa ku adkeysanaysa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed, halka Mareykanka iyo Israa’iil ay sheegeen inay doonayaan in la hubiyo in Iran aysan yeelan karin hub nukliyeer ah.
Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump muujiyay, wuxuuna tilmaamay in Tehran ay u baahan tahay dammaanad qaad ah in aan weerarro dambe lagu soo qaadi doonin inta lagu jiro wada-xaajoodyada.
“Si aan u go’aansanno inaan dib wadahadallo u bilowno, waa inaan marka hore helnaa dammaanad cad oo ah in Mareykanku uusan mar kale bartilmaameedsan doonin Iran inta wadahadalladu socdaan,” ayuu yiri wasiirku.
“Anagoo tixgelinayna arrimahan oo dhan, waxaan qabaa in aan weli u baahanahay waqti dheeri ah,” ayuu raaciyay, isagoo intaas ku daray in “ilaha diblomaasiyaddu aysan gabi ahaanba xirmi doonin.”
Maamulka Trump ayaa doonaya inuu dib u furo wadahadallada Tehran, kaddib markii Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii ay Iran la gashay Mareykanka iyo waddamo kale. Heshiiskaasi wuxuu Iran u oggolaanayay inay uranium-ka ku bacrimiso heer ka hooseeya 3.67 boqolkiiba si loogu isticmaalo tamarta nukliyeerka ee rayidka ah.
Balse kadib markii Trump heshiiskaas ka baxay, Iran waxay billowday inay bacrimiso uranium-ka heer gaarsiisan 60 boqolkiiba — heer ka sareeya isticmaalka rayidka ah, balse aan wali gaarsiisnayn kan hubka nukliyeerka.
Trump ayaa sheegay in weerarrada Mareykanku ay "baabi’iyeen" xarumaha nukliyeerka ee Iran, waxaana saraakiil sare oo Mareykan ah ay ku doodeen in ay aad u adkaan doonto in Iran dib u dhisto barnaamijkeeda nukliyeer.
GAROWE ONLINE